TPLF oo sheegtay in ay diyaarad kasoo riday ciidanka Itoobiya
ADDIS ABABA, Ethiopia - Ciidamada difaaca ee Tigreega (TDF) ayaa shaacisay inay soo rideen diyaarad militari oo ay leedahay dowladda Itoobiya maalintii Arbacada, sida uu xaqiijiyay sarkaal sare, talaabadaas oo xiisad hor leh ka abuuri karta gobolka ay xasilooni darada ka jirto.
Sideedii bilood ee ugu dambeysay, Ciidamada Difaaca Qaranka ee Itoobiya [ENDF] oo gacan ka helaya ciidamada Eriteriya waxay howgallo ka wadeen gobolka Tigray, iyagoo baacsanaya dagaalyahannada TDF.
Getachew Rada, oo ah wasiirkii hore ee isgaarsiinta ee dowladdii kacaanka ee Itoobiya, haddana ah la-taliyaha madaxtooyada Tigreega marka laga reebo in uu ka mid noqday xubnaha Guddiga Fulinta ee TDF, ayaa xaqiijiyay dhacdada isagoo ku eedeeyay ciidamada in ay ka dambeeyeen xasuuqii ka dhacay Tigray.
Wararku waxay tilmaamayaan in diyaaradda C-130 ay sidday ciidamo iyo saanad milateri laakiin lagu soo riday agagaarka Gijet Arbacadii. Sawirro laga soo qaaday goobta ay diyaaradda ku dhacday ayaa muujinaya in diyaaradda gebi ahaanba la burburiyay.
Khasaaraha ka dhashay diyaaradda waxaa lagu tilmaamay "mid maqaar-xanuun-jineysa" militariga Itoobiya. Dadka falanqeeya arrimaha amniga waxay sheegeen in ay tahay mid ka mid ah diyaaradaha kaliya ee ku shaqeeya hal lambar.
Sawirro dheeraad ah ayaa muujiyay dagaalyahannada TDF oo baaraya burburka diyaaradda goobta. Shalay ayay ahayd markii duqeyn ka dhacdey gobolka Tigray ay ku dhinteen 80 rayid lagu sheegay. Balse, Addis Ababa waxay tibaaxdey in ay dishay "TPLF oo darees shacab gashtey".
Dhacdadan ayaa timid xilli Itoobiya ay ku jirto jawi doorasho, iyada oo dad badan oo indha indheeya ay ku tilmaameen doorashadii Isniinta mid "xor iyo xalaal". Si kastaba ha noqotee, doorashooyinka kama aysan qaadin inta badan dalka oo ay ku jiraan Tigray sababo la xiriira colaadda.
GAROWE ONLINE