Tuhun ku saabsan afgembi la maleegayo oo gilgilay Burundi

Image
Madaxwayne Évariste Ndayishimiye oo aan magacaabin shaqsiyaadkan ayaa uga digay "in aysan guuleysan doonin".

GITEGA, Burundi - Hadalheyn ku saabsan cidda uu ula jeeday madaxweyne Évariste Ndayishimiye ayuu abuurantay ka dib markii uu ka digay in "dad awoodda leh" oo kamid ah dowladdiisa ay qorsheynayaan afgambi.

Todobaadkii hore, isaga oo ka hadlaya munaasabad uu dhigtey xisbiga talada haya, Mr Ndayishimiye waxa uu ka digay in uu "ka guulaysan doono" shirqool kasta oo isaga ka dhan ah.

“Ma jiraa general ka cabsanaya qof [inqilaab maleegaya]? Waa kuma qofkaasi?”, Madaxweynaha oo ah jeneraal ciidan oo hawlgab ah ayaa sidaas ka yiri xafladan ka dhacdey caasimadda dhaqaalaha ee Bujumbura.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xafiiskiisa warfaafinta kaasoo lagu fahfaahinayo hadalkiisa, mana cadda cidda uu ula jeeday mas’uuliyiinta sarsare ee uu ula jeeday.

Dadka reer Burundi ee baraha bulshadda adeegsada ayaa si maad ah uga falceliyey xogtan, iyagoo xitaa magacaabay dadka ay u malaynayaan inuu madaxweynuhu ka hadlayo.

Mr Ndayishimiye ayaa madaxweyne noqday sanadka 2020 ka dib markii uu geeriyooday hogaamiyihii ka horeeyay ee Pierre Nkurunziza oo 15 sano soo maamulayay dalkaasi.

Tan iyo markii ay xornimada qaateen 1962, Burundi waxaa ka dhacay afar afgembi oo guuleystay, dhowr waa la fashiliyay, iyo hal dil oo madaxweyne. Inqilaabkii dhicisoobay ee 2015 ayaa dalka geliyey qalalaase.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM