Uganda: Dacwad laga gudbiyey sharci laga soo saarey internet-ka

Image
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in sharciga uu yahay mid lagu aamusinayo dadka.

KAMPALA, Uganda - Shirkad warbaahineed oo online ah iyo 12 qof oo kale oo u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah sharciga cusub ee Uganda, kaasoo qof kasta oo baraha bulshada ku faafiya macluumaadka aan la rabin ama lagu marin habaabinayo dadka ku ciqaabaya ganaax aad u badan, xabsi iyo ka mamnuucid xafiis dawladeed.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa saxiixay wax ka beddelka sharciga ku-takri-falka internet-ka todobaadkii hore, laakiin madaxa Alternative DigiTalk ayaa sheegay in sharcigu yahay sharci-darro, aan dastuuri ahayn oo xad-gudub ku ah xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha.

DigiTalk Alternative iyo shaqsiyaadka kale ayaa ku doodaya in baarlamaanku ku guul daraystay inuu qabto la tashi dadweyne oo macno leh oo loogu baahan yahay in mashruucan uusan waxyeelayn xuquuqda dadka.

Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in sharcigan loo dejiyay in si ula kac ah loo bartilmaameedsado dadka dhaliila dowladda, waxaana "loo isticmaali doonaa in lagu aamusiyo mucaaradka, lagana ilaaliyo dadka inay hadlaan," ayay tiri.

Laakiin taageerayaasha sharcigan cusub ayaa sheegaya in uu gacan ka geysan doono joojinta xadgudubka dhanka internet-ka iyo ilaalinta xuquuqda xogta gaarka ah ee shaqsiga.

Sida uu dhigayo sharciga cusub, qof kasta oo isticmaala baraha bulshada si uu u daabaco, u qaybiyo ama u wadaago macluumaadka laga mamnuucay shuruucda dalka waxa uu wajihi karaa shan sano oo xarig ah haddii lagu xukumo ama uu bixiyo ganaax dhan 15 milyan oo shilinka Uganda ah ($3,900; £3,400).

Tani waxay khusaysaa macluumaadka xaasidnimada ah, hadalada nacaybka ah, macluumaadka aan la rabin iyo wadaaga macluumaadka ku saabsan carruurta iyada oo aan ogolaansho laga helin waalidkood ama dadka masuulka ka ah.

Qof kasta oo lagu helo fal-dambiyeedka waxaa ka mamnuuc ah inuu qabto xil dowladeed muddo 10 sano ah, halka hoggaamiye ama qof haya xilka laga qaadayo, sidda uu dhigayo sharcigan. Dowladda Uganda ayaan wali caddeyn mowqifkeeda ku aadan dacwadda ay gudbiyeen shirkadda iyo shaqsiyaadka kale taasoo la filayo in ay dhageysato maxkamadda awoodda u leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM