Uganda oo askar horleh u soo dirtay Soomaaliya

Image
Image
Image

KAMPALA, Uganda – Dowlada Uganda ayaa Arbacadii waxay ciidamo tiradoodu gaareyso 1,714 u soo dirty Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan Howlgalka Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo magaca AMISOM.

Leopold Kyanda, taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda, ayaa soo sagootiyey askartan oo ka tirsanaa Guutadda 31aad. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay mas'uuliyiin kale iyo diblumaasiyiin.

Isaga oo la hadlayey askarta kahor inta aysan soo dhoofin, Gaashaanle Sarre Kyanda ayaa ku booriyey in ay waajibaadkooda u gutaan si hufan xusuusiyeyna in xasiloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay Afrika.

Dowladda Soomaaliya iyo iyo Midowga Afrika ayuu uga mahadceliyey in ay fursad u siiyeen waddankiisa in uu qeyb ka noqdo dedaaladda la doonayo in lagu soo afjarayo waayaha iyo weeraradda Al-Shabaab.

"Doorkiina wuxuu qeyb ka yahay yoolka Uganda ee Pan-Africanism-ka. Waa in aad ka dhowrsanaataan musuqmaasuqa. Waa aad caafimaadkiina ka ilaalisaa Covid-19 iyo AIDS-ka," ayuu u sheegay askarta.

Ciidamadan ay Uganda soo dirtay ayaa ah kuwa dhowaan tababar loosoo xiray, waxaana furimaha dagaalka Soomaaliya ay u noqon doonan waaya aragnimadooda koowaad ee iska hor-imaadka.

Uganda ayaa ku jirta dowladaha lagu aas-aasay howlgalka AMISOM kaasoo in ka badan tobban sano ku sugan Soomaaliya, waxaana qorshuhu yahay in ay hayaamaan kadib doorashooyinka xagaaga 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM