Uganda oo askar howlgab ah u soo daabuleysa Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda – Taliska milatariga Uganda ayaa Arbacadii dib ugu yeeray 2,700 oo kamid ah askarta howlgabka dalkaas si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya.

Charles Otema, taliyaha ciidamada keydka wadankan dhaca Geeska Afrika, ayaa war qoraal ah ku sheegay in cutubyada la faray in ay kusoo xaroodaan ugu dambeyn Isniinta todobaadka soo aadan.

"Cabqariyadda la wargeliyey waxay ku biiri doonan howlgalada guutooyinka 31aad iyo 32aad ee Ciidamada Difaaca Dadka Uganda ee taliska AMISOM," ayuu raaciyey.

Otema ayaa xusay askarta howlgabka noqotay ee dib loogu yeeray ay yihiin kuwa haysta darajada Gaashaanle iyo wixii ka hooseeya.

"Shuruudaha laga rabo waa in ay 55-jir yihiin ama waxa ka hooseeyaa, in aysan gelin fal-dambiyeed. Murashaxiinta waxaa la marsiinayaa tijaabo caafimaad, mid jireed iyo mid mas-kaxeed," ayuu tibaaxay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo howlgab ah ay Uganda u soo dirto Soomaaliya si ay nabadeynta uga qeyb-qaataan.

Sidda laga soo xigtay Otema, 2012-kii, howlgaladii lagu xoreeyay waqoyga Muqdisho waxaa kaalin ku lahaa askar howlgab ah.

Sikastaba, Uganda oo kamid ah dowladaha ciidamada ugu badan ku leh howlgalka AMISOM ayaa marka laga hadlo dhanka ciidanka milatariga waxaa ku wehliya dalalka; Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Burundi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM