Uganda oo xabsi dhigtay kalluumeysato Kenyan ah

Image

NAIROBI, Kenya – Mas’uuliyiinta waddanka Uganda ayaa xabsi dhigay 30 kalluumeysato Kenyan ah, sidda ay sheegeyso warbaahinta maxaliga ah.

Xukuumadda Kampala ayaa ku eedeysay kalluumeysatada in ay ogolaansho la’aan galeen harada Lake Victoria, kadibna ay si sharci darro ah uga jallaabanayeen kalluunka.

Kalluumeysatada oo siyaabo kala duwan loo qabqabtay ayaa lagala wareegay; tobban doon, qalabka jilaabashada iyo kalluun.

Dhanka kale, saraakiil u hadashay Kenya ayaa cambaareeyay falkaasi, waxayna codsadeen in xorriyadooda loosoo celiyo muruq-maalkaasi la xiray.

Falkan ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadda oo isbuucii hore sidan oo kale ay Uganda xirtay saddex kalluumeysato Kenyan ah.

Shaqsiyaadkaasi ayaa lasii daayay maalmo kadib markii laga qaadey ku dhowaad saddex boqol oo dollar-ka Mareykanka ah oo ganaax ahaan loogu xukumay.

Kenya iyo Uganda oo wadaaga xuduud ayaa shacabka labadda waddan waxay mararka qaar dhibane u noqdaan culeysyada siyaasadeed ee wadamadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM