Uhuru: DF waxay kusoo xad-gudubtay dalkeena iyo madax-banaanideena

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ku xad-gudubtay madaxbanaanida dalkiisa, kadib markii maanta uu shir gudoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen gollaha amaanka qaranka Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ka gudbeen xadka dalkooda, una tallaabeen gudaha Kenya, kadib dagaalkii dhawaan ka dhacay magaaladda Beled-Xaawo, kaasoo ay la galeen ciidanka Jubaland 2-dii bishan.

Dowladda Kenya ayaa ku tilmaantay xadgudubka ay sheegtay in lagu sameeyay xaduudeeda dhuleed mid jebinaysa xeerarka caalamiga, waxayna sheegtay in arintaas marna aqbali karin.

Gollaha amniga Qaranka Kenya qoraal uu soo saarey maanta oo Arbaco ah ku sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay burburin u geysteen hantida muwaadiniinta ku nool magaalooyinka xadka ku yaalla, gaar ahaan Mandheera.

“Golaha Amniga Qaranka Kenya wuxuu walaac ka muujinayaa xadgudubka ay ciidamada Soomaaliya 2-dii bishan March, 2020-ka u geysteen dhulka iyo madaxbannaanida Kenya, taasoo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo heshiisyada kasoo horjeeda gardarrada iyo ficillada kale ee cadaawadda ah, iyagoo dhibaateeyay hantina ka burburiyay muwaadiniin reer Kenya ah oo ku nool magaalada xadka ku taalla ee Mandheera”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan dowladda Kenya.

Dhanka kale, dowladda Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeynta safiirka Soomaaliya ee QM, Abuukar Daahir Cismaan [Abuukar Baalle], 5-tii bishii lasoo dhaafay taasoo ahayd in Kenya ay xad-gudub joogto ah ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

"Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay joojiso ololaha sumcad-dilka iyo beenta ah, isla markaana ay xoogga isagu geyso sidii ay dadkeeda u gaarsiin lahayd dowlad-wanaag iyo barwaaqo," ayay Kenya hadalkeeda raacisay.

Kenya ayaa xustay in qiimo culus ay ku bixisay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan kan gobolka, sidoo kale sanado badan ay martigelinaysay boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah, kuwaasoo ku nool Xerada Dhadhaab tan iyo 1991.

Madaxweyne Uhuru ayaa ku booriyay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada inay meel uga soo wada jeestaan sidii ay Al-Shabaab uga adkaan lahaayeen, mas'uuliyadda amniga ugala wareegi lahaayeen AMISOM, islamarkaana ay nabad iyo xasilooni ugu soo dabaali lahaayeen Soomaaliya.

Eedeynta Kenya ayaa kusoo aadaysa xilli xiisad ay ka jirto xadka, gaar ahaan gobolka Gedo, iyadoo uu Isniintii dagaal xoog leh uu ka dhacay Beled-Xaawo kaasoo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa xiriirkooda gaarey meeshii ugu hooseysay kadib markii DF ay dacwadda muranja xuduuda badda diiday in meel ka baxsan maxkamada ICJ kagu dhameeyo.

Ciidanka Kenya waxay kamid yihiin kuwa AMISOM, ee ka taageeraya DF dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Axmed: Hab nabadeed ayaan ku raadineynaa marin badeedka

Hadalkan ayaa wuxuu ka hor-imaanayaa hanjabaadihii hore ee ku aadanaa in ay dagaal u galayaan.

  • Afrika

    02-11-2024

  • 05:30AM

Cholo Abdi: Ninka kooxda AS u fulin rabay weerar lamid ah dhacdadii 9/11

Eedeysanahan ayaa u dhashay Kenya waxaana uu tababar kusoo qaatay dalka Filipin.

  • Afrika

    30-10-2024

  • 01:28PM