Uhuru Kenyatta iyo Joe Biden oo wadahadal dhanka telefoonka yeeshay

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa Isniintii 30-ka November, 2020 wuxuu wadahadal dhanka telefoonka ah la yeeshay dhigiisa la doortey ee Mareykanka, Joe Biden.

Sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga, wadaxaajoodka labada mas'uul ayaa diiradda lagu saarey qadiyado heer caalami ah iyo kuwa gobolka khuseeya. Balse, lama soo bandhigin fahfaahinta.

Kenyatta ayaa la sheegay in uu wadahadalkaas uga faa'iideystay in uu hambalyo toos ah u gudbiyo Biden isagoo metelaya Kenya markii uu ku adkaadey doorashooyinka wadanka Mareykanka.

Biden ayaa la wariyey in uu guddoomay hambalyadda Uhuru muujiyeyna in uu diyaar u yahay xoojinta xiriirka laba dal.

Uhuru iyo Biden, sidda uu daabacay Kenyans.com, waxay adkeeyeen taageerida qaxootiga cusub. Kenya waxay horey u soo jeedisay qorshe malaayiin ku baxeyso oo ay ku qaabileyso soogalooti cusub.

Soomaalida ayaa kamid ah dadka ugu badan ee qaxooti ahaan u taga Kenya iyagoo kasoo qaxaya coladda ka jirta dalkooda.

Kenya ayaa sidoo kale waxay weeraro argagixiso kal kulantaa dagaalameyaasha Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya. Nairobi waxay ciidamo ku leedahay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Cameroon oo dalkiisa booqasho keliya ku taga, inta badan waqtigiisana ku qaata Switzerland

Intii lagu jiray ololihii doorashada madaxtinimada ee 2025, madaxweynuhu si weyn ugama dhex muuqan isu-soo-baxyada ololaha.

  • Afrika

    23-10-2026

  • 08:18AM

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM