Uhuru Kenyatta oo aan ku soo dhoweyn garoonka diyaardaha madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya

Image

NAIROBI- Ra’isal Wasaarada Itoobiya oo uu weheliyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa makhribnimadii Talaadada ka dagay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi hakaas uu damacsan yahay inuu dib u soo celiyo xiriirkii diplomaasiyeed ee labada dal.

Bishii la soo dhaafey ayay aheyd markii dalka Kenya u yeeratey safiirkeedii ka joogey Muqdisho halka ay Nairobi ka eridey Ambasador dalka Soomaaliya u fadhiyey dalkaas. Dowlada Kenya ayaa talaabadas ay qaadey ku sheegtey, kadib markii Villa Soomaaliya xaraashatey ceelal shidaal oo ku yaal dhul badadeed labada dal ku muransan yihiin.

Maxkamada caalamiga ah ( ICJ ) ee Hague ayaa waxay go’aan ka gaareysa dacwad dalka Soomaaliya ku xereeyey sanadkii 2014 kadib markii uu burburey wadahadal labada dal damacsanaayeen iney heshiis kaga gaaraan dhul badeeed baaxadiisu gaareyso 100,000 square km.

Maxaa laga sugayaa in wadahadlkaaa ka soo baxaan ?

Xafiiska RW Itoobiya ayaa sheegey in wadahadalka madaxda Kenya iyo Soomaaliya ujeedkiisu yahay sidii hoos loogu dhigi lahaa xaalada diplomaasiyeed oo kacsan.

Abiy iyo Farmaajo ayaa iska raacey magaalo madaxda dalka Itoobiya Addis Ababa kadib markii wadahadal ku yeesheen halkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaciisa maalintii shalay tweet gareeyey in booqashada uu ku tagey Nairobi tahay sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka labada dal (Kenya iyo Somalia) islamarkaana loo adkeyn lahaa. 

Halka Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu la kulmay RW Abiy aabuucii la soo dhaafey labo jeer ( Addis Ababa iyo Asmara ), kama soo xaadirin garoonka diyaardaha Nairobi markii ay yimaadeen labadaan hogaamiye ( Abiy iyo Farmaajo ). 

GAROWE ONLINE : Xuquuqda way dhowaran tahay 

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM