Uhuru Kenyatta oo amar dul-dhigay madaxda Soomaalida Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa kulan degdeg ah wuxuu la qaatay hogaamiyeyaasha siyaasadda gobolka waqooyi barri ee Kenya, halkaasoo Soomaalida ay ku badan tahay.

Kulankaas waxaa looga hadlay xaalada sii xumaaneysa ee gobolka gaar ahaan ammaanka iyo xalinta weeraradda joogtada ah ee Al-Shabaab ka geysato gobolka.

Wargeyska afka dheer ee lagu magacaabo The Standard ayaa ku waramay in Uhuru uu siiyey madaxda muddo 14-cisho ah in ay ku xaliyaan weeraradda argagixiso ee degaankooda.

Xubnaha uu Uhuru la shiray waa; Cali Roab [gudoomiyaha Mandera], Maxamed Cabdi [gudoomiyaha Wajeer], Cali Korane [Garissa, iyo hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Aadan Barre.

Dad goobjoog u ahaa kulanka ayaa u sheegay saxaafada in leysla qaatay in qodobada kasoo baxay kulanka la fuliyo.

Uhuru ayaa lagu waramayaa in uu u sheegay madaxda in aan la ogolaan karin in ay sii socdaan weeraradda maleeyshiyaadka.

Madaxda ayuu ku tartarsiiyey in ay qaadaan talaabo kasta si looga hortago weeraradda xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa tan iyo bilowgii sanadkan 2020 waxay dhowr weerar oo dhimasho badan sababay ay ka fulisay gudaha dalka Kenya, waxayna ku beegsatay iskuulo, saldhig iyo gaadiidka dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM