Uhuru Kenyatta oo dab qabad-siiyey 5,144 qoryo fudud ah

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa Arbacadii dab qabadsiiyay ilaa 5,144 oo hub sharci darro ah isla markaana gaboobay; si lamid ah hub fudud oo ay dowladdu leedahay taas oo qeyb ka ah dadaalada lagula dirireyso dambiyadda.

Kenyatta ayaa xusay in gubida hubka fudud iyo kuwa sharci darada ah ay ku lifaaqan tahay baaqii Midowga Afrika ee ahaa in la aamusiyo qoryaha Afrika sanadka 2020.

Wuxuu yiri "in kasta oo bartilmaameedka midowga Afrika aan si buuxda loo gaarin sanadka loo qabtay, hadana wadamada Kenya oo ay ku jirto, waxay sameeyeen horumar aad u wanaagsan oo ku aadan hadafkaas".

"Anagoo si cad u burburinayna hubka sharci darrada ah, Kenya waxay mar kale si cad u muujineysaa inaan go'aansanay oo aan diyaar u nahay inaan wajahno caqabadaha ka imanaya hubka fudud iyo kuwa sharci daradda ah," ayuu daray.

Hubka la gubay ayaa isugu jira qaar ay la wareegeen saraakiisha amniga ama si iskood ah isugu soo dhiibeen hay'adaha dowladda si lamid ah tirro kale oo ay soo uruuriyeen ciidamadda ammaanka.

Kenyatta ayaa wuxuu faray wakaaladaha haynta hubka dowladda in ay hubiyaan isla xisaabtan adag iyo maamul sax ah iyo sidoo kale xakamaynta hubka ay masuulka ka yihiin "si looga ilaaliyo madaxbanaanida, is-daba-marinta iyo ku takrifalka".

Al-Shabaab oo fadhigoodu yahay Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay weeraro goos goos ah ka fulisay dalka ay deriska yihiin ee Kenya iyadoo aargudasho ay u aheyd xukuumada Nairobi ay ciidankeedu ku jiraan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM