Uhuru Kenyatta oo ku dhawaaqay go'aan ka dhan ah Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa waxay sheegtay in ay xirtay xuduudka caalamiga ah ee ay la leedahay Soomaaliya, sabab la xiriirta sarre u kaca dadka laga helayo Coronavirus ee sohdinta kasoo talaabaya

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku dhawaaqay go'aanka xiritaanka xuduudka ayaa ku dooday in ay si deg-deg ah u soo kordheyso tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka ee ka imaanaya dhanka Soomaaliya.

Kenyatta ayaa sheegay in go'aankan uu saameynayo dadka iyo gaadiidka uu dhaqan-geli doono laga bilaabo 16-ka bishaan May.

Gaadiidka xamuulka oo iyagu la siiyay xaalad gooni ah ayaa lagu waramay in laga baari doonaa cudurka safmareenka ah ee Covid-19.

Kenya ayaa horey u xirtay sohdinta ay la wadaagto Tanzania. Kaliya todobaadkan gudahiisa, xukuumadda Nairobi waxay soo warisay in 40 qof oo ka kala yimid Soomaaliya iyo Tanzania ay ka heshay caabuqa faafa.

Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey in ka badan 1,200 oo xaaladood oo ah Coronavirus, iyaddoo dhimashadda ay mareyso 53.

Gudaha Kenya, waxaa laga helay in ka badan 800 xaaladood oo ah fayruskaan dilaaga ah, kaliya maanta waxaa laga xaqiijiyey 49 kiis.

Ugu dameyntii, Uhuru Kenyatta ayaa kordhiyey bandowga guud ahaan Kenya. 21 maalmood ayaa lagu daray. Ciidamadda ammaanka waxaa la siiyey awood dheeraad ah oo ay ku dhaqan-geliyaan go’aanka dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM