Uhuru Kenyatta oo qorshe ka dhan ah Jabuuti u tegay Sacuudiga

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa Talaadadii wuxuu socdaal wuxuu ugu ambabaxay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa qeexaysa in ujeedka socdaalka Uhuru daaran yahay dhowr arrimood oo xaalada gobolka iyo xiriirka ganacsiga ee labada dal ah.

Illo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa wariyaha Garowe Online ee Nairobi u sheegay in ujeedka safarka qeyb ka yahay loolanka kala dhaxeeya Jabuuti.

Labadda dal ee dhaca Geeska Afrika ayaa isku haya xubinimadda aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay.

"Mawduuca ugu weyn ee safarka waa wada hadalada xiriirka labadda geesoodka. Balse dalabka Kenya Golaha Amniga qeyb ayuu ka yahay," ayuu ku daray.

Xukuumadda Nairobi ayaa heshay codadka aqlabiyadda Midowga Afrika, halka Jabuuti ay haysato taageerada dalalka uu gumeystay Faransiiska.

Jabuuti waxaa intaas u wehlisay in ay taageero badan ka heshay dalalka Carabta, oo uu u dub-dhaxaad uu u yahay Sacuudi Carabiya.

Kenyatta ayaa ugu yaraan isku deyi doona in uu Riyadh ka dhaadhiciyo in ay wadamada Carabta taageero uga raadiso ololaha waddankiisa.

"Madaxweynaha wuxuu arrintaan u qaadanayaa mid dhab ah, isaga oo rumeysan in dalalka Jaamacadda Carabta ay muhiim u yihiin baadigoobkiisa".

Doorashadda kursigan ayaa qabsoomeysa bisha June ee sanadka 2020-ka, waxaana wadamadan ay haatan ku mashquulsan yihiin ololaha codad raadinta.

Soomaaliya oo horey u shaacisay in ay garab-taagan tahay Jabuuti ayaa xulufadeeda ku boorisay in ay codadkooda kusoo biiriyaan.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ka kooban 15 xubnood oo shan kamid ah joogto yihiin ayaa ah unug muhiim ah oo UN-ka ka tirsan.

Sidda uu xeerinayo Axdiga Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, Golaha Ammaanka waa madal lagu jaan-gooyo siyaasadda, amniga iyo nabadda aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM