Uhuru Kenyatta oo shuruud ku xiray in dib loo furo Masaajida

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa soo bandhigay shuruud ay ku ogolaan karaan dib loo furo goobaha lagu cibaadeysto sidda Masaajida.

"Goobaha cibaadada waxay bilaabi karaan wejiga dib u furida iyagoo raacaya tilmaamooyin gaar ah sidda; in aysan xaadiri karin dadka ay da'dooda ka hooseyso 13 iyo kuwa ka sareeya 58," ayuu Uhuru yiri.

Bishii Maaj ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii albaabada loo laabay masaajidada waaweyn ee Kenya sabab la xiriirta iyaddoo laga cabsi qabo faafitaan horleh oo uu sameeyay safmarka Covid-19.

Dhanka kale, Kenyatta ayaa qaadey xayiraadihii isu socodka ee Coronavirus dartiisa loogu soo rogay Nairobi, Mombasa iyo Mandera; sidoo kale wuxuu 30 maalmood ku kordhiyey bandowga guud ahaan dalkaas.

"Xaaladda go'doonka mar kale ayaa lasoo rogi doonaa hadii xaaladda caafimaad ee waddanka ay kasii darto," ayuu ka yiri shir jaraa'id oo uu warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa, isagoo xusay in amarka qaaditaanka xayiraada uu berri dhaqan-galayo gaar ahaan abaare afarta galabnimo.

Hogaamiyaha ayaa sidoo kale sheegey in xayiraada laga qaadi doono duulimaadyada caalamiga ah 1-da bisha soo aadan ee August, sanadkan 2020.

Kenya ayaa xaqiijisay in ka badan 7 kun xaaladood oo ah Covid19, bogsashada waxay ka badan tahay laba kun, halka dhimashada ay mareyso 160, waana kamid ah dalalka uu sidda ba'an ugu aafay Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM