Uhuru Kenyatta oo shuruud ku xiray in dib loo furo Masaajida

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa soo bandhigay shuruud ay ku ogolaan karaan dib loo furo goobaha lagu cibaadeysto sidda Masaajida.

"Goobaha cibaadada waxay bilaabi karaan wejiga dib u furida iyagoo raacaya tilmaamooyin gaar ah sidda; in aysan xaadiri karin dadka ay da'dooda ka hooseyso 13 iyo kuwa ka sareeya 58," ayuu Uhuru yiri.

Bishii Maaj ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii albaabada loo laabay masaajidada waaweyn ee Kenya sabab la xiriirta iyaddoo laga cabsi qabo faafitaan horleh oo uu sameeyay safmarka Covid-19.

Dhanka kale, Kenyatta ayaa qaadey xayiraadihii isu socodka ee Coronavirus dartiisa loogu soo rogay Nairobi, Mombasa iyo Mandera; sidoo kale wuxuu 30 maalmood ku kordhiyey bandowga guud ahaan dalkaas.

"Xaaladda go'doonka mar kale ayaa lasoo rogi doonaa hadii xaaladda caafimaad ee waddanka ay kasii darto," ayuu ka yiri shir jaraa'id oo uu warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa, isagoo xusay in amarka qaaditaanka xayiraada uu berri dhaqan-galayo gaar ahaan abaare afarta galabnimo.

Hogaamiyaha ayaa sidoo kale sheegey in xayiraada laga qaadi doono duulimaadyada caalamiga ah 1-da bisha soo aadan ee August, sanadkan 2020.

Kenya ayaa xaqiijisay in ka badan 7 kun xaaladood oo ah Covid19, bogsashada waxay ka badan tahay laba kun, halka dhimashada ay mareyso 160, waana kamid ah dalalka uu sidda ba'an ugu aafay Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM