Uhuru Kenyatta: Soomaaliya waa in ay joojisaa falal ka careysiinaya Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay "in ay si joogto ah" ugu soo xadgudubto dhulka Kenya ayaa kaga digay talaabooyinka "ka careysiinaa dalkiisa".

Hadalkaan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda kadib shirka Golaha Amniga Qaranka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay ku dagaalameen dhulka Kenya, isla markaana taas ay xiisad ku abuurto dadka ku nool degmada Mandera oo bilaabay in ay barakacaan.

Kanze Dena-Moraro, afhayeenka Uhuru, ayaa xustay in Soomaaliya ay "ku tumatay" shuruucda caalamka ee dagaalada milatariga.

Hogaanka fadhiya Villa Soomaaliya ayay ku boorisay in ay la fariistaan madaxda dowlad goboleedyadda si loosoo afjaro khilaafka.

Dhanka kale, waxay soo hadal-qaadey eedeyntii safiirka Soomaaliya ee UN-ka, taasoo ahayd in Kenya ay kusoo xadgudubtay madaxbanaanida dhuleed iyo faragelin ay ku hayso Soomaaliya.

Sheegashadaas ayay ku qeexday mid aan waxba ka jirin oo huwan dano siyaasadeed oo ay soo jeedisay in laga baaqsado.

Ugu dambeyntii, qoraalka iyo shirka Golaha Amniga Qaranka Kenya ayaanan lagu soo hadal-qaadin qadiyadda Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland, oo dowladda Soomaaliya ay ugaarsaneyso.

Janan, oo la aaminsan yahay in uu ku sugan yahay gudaha Kenya, ayaa wuxuu ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho, halkaasoo loogu xiray eedeymo ku aadan dambiyo culus, wallow uu gaashaanka u daruuray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM