Uhuru oo bedelaya Wasiirkii Maaliyada ee musuqa loo xiray

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu waramayaa in xilka ka qaadayo Wasiirkii Maaliyadda Kenya ee loo xiray musuqmaasuqa iyo lunsashadda hanti, sidda ay sheegeyso warbaahinta maxaliga ah.

Sidda uu daabacay wargeyska The Star, Kenyatta ayaa ka fekeraya shaqsiga uu ku bedeli lahaa eedeysane-wasiir Henry Rotich, kaasi oo noqon doono mid si ku meel gaar ah usii haya xilkaasi.

Jaraa'idka ayaa kasoo xigtay shaqsiyaad madaxweynaha aad ugu dhow in midkood James Macharia iyo Aadan Maxamed loo dhiibi doono xilkaasi, kuwaasi oo kamid ah tobanaan ruux oo Uhuru lagula taliyey in uu mid ka xusho.

Macharia ayaa haatan ah Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaadiidka, halka Aadan oo ay saaxiibo yihiin Uhuru Kenyatta.

Aadan Maxamed ayaa sidoo kale wuxuu xubin ka yahay Ururka Bulshadda iyo Horumarinta Bariga Qaaradda Afrika.

Rotich oo xilka Wasiirka Maaliyadda hayey muddo badan ayaa lagu haystaa mashruuc lagu dhisay laba biyo xireen oo ay ku baxday 450 milyan oo dollar.

Dacwad oogaha guud ee Kenya, Nuuradiin Xaaji oo bixiyey amarka xabsiga lagu dhigay Henry Rotich ayaa sheegay in si qaldan loo maamulay mashruuca.

Nuuradiin ayaa wuxuu intaasi raaciyey in qayb kamid ah lacagtaasi la lunsaday, isla markaana aysan cadadka saxda ah aysan ku bixin dhismaha labada biyo-xireen.

Henry Rotich oo lala xiray ku dhowaad 20 mas'uul kale ayaa maxkamad lasoo taagey Talaadadii, waxayna beeniyeen eedeymaha musuq-maasuq ee lagu soo oogay.

Kenya ayaa kamid ah wadamada Afrika ee wax is-dabamarinta ay ku lug-yeeshaan mas'uuliyiinta dowladda ay badan tahay, iyada oo xukuumadaha ay wacad ku marayaan in ay xididaha u siibi doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM