Uhuru oo dalab ka dhan ah Al-Shabaab u gudbiyey Mareykanka

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo Arbacada maanta ah ka hadlay madasha Atlantic Council, ayaa ku booriyey Mareykanka in uu Afrika ka taageero "tir-tirka argagixisada".

Uhuru oo booqasho ku jooga Mareykanka ayaa mushkilada Afrika ku tilmaamay "xagjiriin maskaxeed taasoo diidan dimuqraadiyadda".

Xoogaga Al-Shabaab oo uu farta ku fiiqay ayuu caddeeyay "in ay muhiim tahay in sarre loo qaado howlgalada ciidan ee lagu baacsanayo".

"Kooxaha sida Al-Shabaab waa waajib in aan ku burburinayo dedaalada milatari ee ka socda Soomaaliya si fursad loogu helo in miiska looga doodo siyaasad loo-wada-dhan-yahay," ayuu raaciyey.

Ganacsiga sharci-darada ah oo uu carabka ku dhuftay in ay dhaqaale ka helaan argagixisadda ayuu soo jeediyey in si walba loola dagaalamo.

"Dedaaladda lagu wiiqayo maleeyshiyaadka waxaa guul looga gaari karaa iyaddoo meesha laga saaro maalgelinta argagixisada," ayuu tibaaxay hogaamiyaha dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Ugu dambeyntii, Uhuru ayaa ku tartarsiiyey Mareykanka in uu wadamada Afrika hormuud uga dhigo faafinta fekerka dimuqraadiyadda.

"Ulama jeedo in ay ku go'aan qaataan kali-talin, waa in la siiyo fursad ay ku naqshadeeyaan qaabka ay ku faafinayaan dimuqraadiaydda iyagoo ku saleynaya xaqiiqadooda," ayuu kusoo xiray.

Tan iyo 2011-kii xiligaas oo ciidamadeeda ay kamid noqdeen Howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM, Kenya ayaa weeraro lagu beegsado rayidka iyo ciidamadda kala kulmeysa Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM