Uhuru oo raali-gelin ka bixiyey fal lagu eedeeyay booliska Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha wadanka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa raali-gelin ka bixiyey tacadiyo lagu eedeeyay booliska kadib markii ay awood u adeegsadeen fulinta bandowga uu soo rogay asbuucii hore.

Bandowga oo dhaqan-galay ayaa qeyb ka ahaa talaabooyinka xukuumadda Nairobi uga hortageyso faafitaanka Coronvirus.

Bileyska ayaa la sheegay in ay isticmaaleen awood xad-dhaaf ah oo ay kamid tahay jirdil iyo rasaas nool oo ay ku rideen dad shacab ah, kuwaas oo aan u hogaan-samin amarka dowladda.

"Waxaan doonayaa in aan ka raali-geliyo dhamaan dadka reer Kenya..talaabooyinka qaar ee la sameeyay," ayuu Arbacada maanta ah ka sheegay magaaladda caasimadda ah ee Nairobi.

Wuxuu raaciyey: "Balse waxaan rabaa in aan xaqiijiyo in aan wadashaqeyno, hadii aan isla fahano in dhibaatadu noo wadataalo, hadii aan meel uga soo wadajeesano, waan hubaa in aan ka wada guuleysaneyno".

Baaritaanka dilka 13-jir

Raal-gelinta uu bixiyey Uhuru ayaa kusoo aadeysa xili bileyska uu amar ku bixiyey in la baaro toogasho sababtay geerida 13-jir, kaas oo rasaas ay haleeshay xili uu taagnaa baran-dada gurigooda Nairobi.

Xuseen Mooyo, aabaha cunugaas, oo la hadlay wakaalada wararka u faafisa Faransiiska ee AFP, ayaa tilmaamay in xabadda ay wiilkiisa ugu timid hoygooda.

"Howlgalkaan waxaa loo maray waddo qalad ah. Booliska waxay abuurayaan cabsi. Waxay garaacayaan dadka, waxay sidoo kale sunta dadka ka ilmeysiisay noogu keenayaan guriyaheena," ayuu xusay.

Iyaddoo qalyo-dhaanta rayidka isa sii tareyso kana imaaneyso magaalooyin dhowr ah oo caasimada Nairobi kamid tahay, Uhuru ayaa meesha ka saarey in ay dabcin doonan xayiraadaha.

"Dowlad ahaan waxaan u diyaar-garoobeynaa xumaanta, laakiin wadajirkeena oo ay nagu wehliyaan 47-da milyan ee Kenya, waxaan qabnaa rajo, waxaana ku duceysaneynaa talaabooyin kale," ayuu xusay.

Sikastaba, kiisaska xanuunka Covid—19 ee laga soo wariyey gudaha Kenya ayaa illaa iyo haatan waxay gaarayaan 81 ruux, iyaddoo kaliya uu hal qof u geeriyooday; wadarta dadka laga baarey ayaa ka badan kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cholo Abdi: Ninka kooxda AS u fulin rabay weerar lamid ah dhacdadii 9/11

Eedeysanahan ayaa u dhashay Kenya waxaana uu tababar kusoo qaatay dalka Filipin.

  • Afrika

    30-10-2024

  • 01:28PM

Abiy: Hadafkeena ugu weyn maaha in aan helno saddex waqti cunto ah maalintii

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay hogaanka xisbigiisa Barwaaqo.

  • Afrika

    29-10-2024

  • 11:33AM