Uhuru: Weerarka Hotel Dusit waa lasoo afjaray, dableyda waa la dilay

Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in lasoo gaba-gabeeyay weerarkii Hotel-ka Dusit ee magaalada Nairobi, isagoo sidoo kale shaaciyaay in lasoo badbaadiyay 700 oo qof.

Uhuru oo ka hadlayay Shir Jaraa'id ayaa xaqiijiyay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay toogasho ku dileen dhamaan kooxda weerarka ku qaadey hotel-ka,balse ka uusan caddeyn tiradooda.

Kaamirooyinka CCTV ee ku xiran Hotel-ka Dusit D2, ayaa duubey afar nin oo hubeysan, oo isku kala qeybiyay barxadda dhismaha. [Halkan ka akhri warka].

Laamaha amniga dowladda Kenya ayaa soo bandhigay meydadka labo nin iyo qoryo AK-47 ah, kuwaasoo ay sheegeen in ahaayeen raggii weerarka ka dambeeyay.

Kenyatta ayaa xaqiijiyay geerida 14 ruux oo shacab u badan, iyo dhaawaca tobaneeyo kale, isagoo intaasi ku daray in lasoo badbaadiyay in ka badan 170 qof, kuwaasi oo dhismaha ku jiray.

"Kooxaha argagaxisada ah waa ciribtiri doonaa..waxaana uga mahad-celinaynaa ciidamadeena geesiyaasha ah qaabka ay uga fal-celiyeen," ayuu Madaxwaynuhu ku daray hadalkiisa isaga oo wariyaasha kula hadlay Madaxtooyada Nairobi.

Dadka dhintay ayaa 9 kamid ah waxay yihiin Muwaadiniin Kenyan ah, halka labo kamid ah ay yihiin Soomaaliya, iyadda oo mid uu yahay Ameerikaan, waxaana wehliya qof la sheegay inuu kasoo jeeda Ingiriiska.

Waa weerarkii ugu cuslaa Lix sano kadib oo ay Al-Shabaab ka fuliso caasimada dalka ee Nairobi kadib midkii Westgate Mall, kaasi oo la rumeysan yahay in lagu khaarijiyay in ka badan 100 qof.

Uhuru ayaa intaasi ku daray in ciidamada amaanka ay baadi goobayaan dadkii fududeeyay iyo kuwa dhaqaalaha ku bixiyay weerarka oo lasoo xiri doono.

"Waxaan raadinaynaa qof kasta oo ku lug leh maalgelinta, qorsheynta iyo fulinta falkan arxan darrada ah, kama hari doono illaa aan cadaaladda horkeenno," ayuu yiri Madaxweynaha.

Wuxuu kaloo yiri Uhuru: "Waxaan nahay qaran aan illoobi doonin kuwa na dhaawacay ee agoonteeyay caruurteena".

Al Shabaab ayaa weerarka Dusit D2 kusoo beegtay sanad-guuradii 3aad ee weerarkii Ceel-Cadde, kaasoo dhacay 15-kii January ee 2016. In ka badan 100 Askari oo Kenyan ah ayaa lagu dilay weerarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM