Ururka Iskaashiga Islaamka oo Jabuuti kula saftay kursiga Golaha Ammaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa garab istaag weyn u muujiyey murashaxnimadda Jabuuti ee xubnimadda aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay xogheynta ururkaasi ayaa wadamada xubinta ka ah oo tiradooda ay gaareysa 55, waxaa loogu booriyey in ay codkooda ugu shubaan Jamhuuriyada Jabuuti.

Doorashadda kursigaasi oo loolankeeda uu balaaran yahay ayaa waxaa loo muddeeyay bisha June ee sanadka dambe, 2020, waana fadhiga 74aad ee Golaha Guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Jabuuti, oo wareega koowaad ku badisay, ayaa waxay loolan adag ay kala kulmeysaa Kenya, oo taageero ka heysata inta badan ururka Midowga Afrika iyo qaaradda Yurub.

Hasa ahaatee, Jabuuti ayaa waxay dhankeeda taageero weyn ay ka haysataa badi dalalka dhaca qaaraddaha weyn ee Aasiya iyo Laatiin Ameerika oo ay ugu sareeyan Mareykanka, Shiinaha iyo Japan.

Sidda uu xeerinayo sharciga UN-ka, guuleystaha ayaa u baahan saddex meelood laba dalool oo ah dhamaan Golaha Guuud ee Qaramada Midoobay oo ka kooban 193 wadan. Soomaaliya waxay taageertay Jabuuti.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, unug awood badan oo UN-ka ka tirsan, ayaa ka kooban 15 xubnood oo Shan kamid ah yihiin kuwa joogta ah, halka inta soo hartay lasoo doorto labadii sano hal jeer.

Xubnaha joogtada ah oo kala ah; Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska ayaa waxay haystaan awood dheeraad ah oo la yiraahdo codka diidmada qayaxan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM