Cunaqabateyn la saarayo saraakiil Itoobiyaan iyo Eritrea ah

Image

WASHINGTON, USA - Maamulka Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa qorsheynaya inuu KU bartilmaameedsado saraakiisha Itoobiyaan EE xukuumadda Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo kuwa Eritereeya xayiraado dhanka fiisaha sababo ku aaddan xasuuqii ka dhacay gobolka la dageen ee colaadda Tigreega, sida ay warisay majalada FP.

Xayiraadaha fiisaha ayaa tusaale u noqonaya isbedel macquul ah oo ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Itoobiya, oo si tartiib tartiib ah u sii xumaanayay tan iyo markii uu dagaalka ka qarxay waqooyiga gobolka Tigray bishii Nofeembar ee la soo dhaafay. Colaadu waxay dhalisay warbixino baahsan oo ku saabsan xasuuq, rabshado wadareed oo laga yaabo inay ka dhaceen qowmiyado gaara, iyo danbiyo dagaal oo ay u gaystaan ​​dadwaynaha rayidka ah xoogaga Ethiopia iyo dhigooda Eritrea.

Maamulka Biden ayaa si aad ah uga xumaaday jawaabta Abiy ee dhibaatada kadib bilo wadahadalo diblomaasiyadeed oo heer sare ah. Colaada ayaa bilaabatay bishii Nofeembar ee sanadkii hore markii ciidamada federaalka Itoobiya ay bilaabeen duullaan ka dhan ah Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF), oo ahayd xisbigii horay u xukumi jiray dalkaas, iyaga oo ka jawaabaya weerar ay TPLF ku qaadday saldhig milatari ee Itoobiya, wallow jabhadda ay gaashaanka ku dhufatay sheegashadda weerarka.

Dowladda Itoobiya ayaa iska fogeysay dhaleeceynta loo soo jeediyay ee ku saabsan sida ay u maareysay xiisadda, waxayna ku adkeysatay in askarta geysata tacaddiyada lagula xisaabtami doono. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhinacyada dagaalamaya oo dhan laga yaabo inay galeen "dambiyo dagaal", waxayna ku baaqdey baaris madax-banaan.

Xayiraadaha fiisaha ayaa loo arkaa inay yihiin xabad qafiif ah, taasoo muujineysa sii kordheysa jahwareerka Mareykanka ee Abiy ee maaraynta khilaafka iyo ku guuldareysiga wax ka qabashada walaacyada caalamiga ah ee sii kordhaya ee dhibaatada bina-aadamnimada ee soo socota.

Saraakiisha iyo kalkaaliyaasha koongareeska ee arintan wax ka ogaa waxay sheegeen in maamulka Biden uu qorsheynayo in uu sii xoojiyo cadaadiska Abiy siyaabo kale, oo ay ka mid tahay in la joojiyo maalgalinta kaalmada amniga ee Mareykanka ee Itoobiya iyo in la bartilmaameedsado barnaamijyada Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka.

Saraakiisha ayaa xusay in ay jiraan wadahadalo socda oo ku saabsan suurtagelinta in la fiiriyo cunaqabateynta saraakiishii Itoobiya ama Eriteriya ee ku lugta leh xasuuqa Tigreega, balse majiraan go'aano kama dambeys ah.

Mareykanka ayaa muddo dheer u arkayay Itoobiya inay tahay xulafo muhiim u ah oo ku sugan gobola Bariga ama Geeska Afrika, balse xayiraadaha fiisaha ayaa noqon karta calaamaddii ugu horreysa ee istiraatiijiyad ka baxsan Addis Ababa, sida uu aaminsan yahay Cameron Hudson, diblomaasi Mareykan ah oo hore iyo sarkaal sirdoon haatan ka tirsan Golaha Atlantic.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM