Waaran xiritaan ah oo loo jaray Jeneraalo kadib "qabsashda" Mekele

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Booliska federaalka Itoobiya ayaa waaran xiritaan ah u jaray saraakiil milatari kuwaasoo lagu eedeeyay xatooyo hanti dadweyne iyo khiyaano qaran markii milatariga qabsaday caasimada gobolka Tigray.

Sidda ay warisay warbahinta dowladda, Jeneraaladan ayaa ku kala sugan gudaha waddanka iyo dibadda waxaan qaar loo haystaa faafinta been-abuur.

Warbixinta bileyska ayaa sidoo kale waxaa balwo loogu jaray 117 Jeneraalo iyo saraakiil milatari kuwaasoo loo haysto khiyaano Qaran kuwaas oo kala ah;

Gaashaanla Sarre Zewdu Kiros Gebrekidan, Korneyl Tewolde Gebretensay, Korneyl Gebreigziabher Alemseged, Korneyl Yemane Gebremichael, Kabtan Tewolde Gebremedin gudoomiye Reta Tesfaye.

Saraakiisha kale ee loo haysto xatooyada xoolaha dadweyne oo lala xiriiriyey dagaalameyaasha TPLF ee ka talinayey gobolka Tigray ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay in ay kala yihiin;

Lt Gen Tadesse Worede, waaxda tababarka, howlgab
Maj.-Gen Gebrege adhana /Gebredila/, Waaxda warfaafinta, howlgab
Maj.-Gen Teklebirhan Woldearegay (Santim), agaasimaha hay'adda sirdoonka, howlgab
Maj.-Gen Birhane Gash (Wodimedin), Wasiiru dowle, howlgab
Maj.-Gen Ma’esho Beyene, taliyihii taliska bariga, howlgab
Maj.-Gen Ibrahim Abduljelil, Taliska Saadka, howlgab
Maj.-Gen Yohannes Woldegiyorgis, taliyihii hore ee taliska dhexe, howlgab
Maj.-Gen Negasi Tikeu,
Brig.-Gen Abadi Filansa
Brig.-Gen Tsegaye Tesema (Patris)
Brig.-Gen Migbe Haile
Brig.-Gen Teklay Ashebir (Wodi Ashebir)
Brig.-Gen Hailesellassie Girmay (Wodi Beite)
Brig.-Gen Mulugeta Berihe
Colonel Tewolde Gebretensay
Col Gebreigziabher Alemseged
Col Dejen Girmay
Col Yemane Gebremichael
Col Gebreyohannes Abate (Wodi Abate)
Capitan Tewolde Gebremedihin (Wodi Adwa)

Taliska Booliska federaalka oo dadweynaha ka codsaday in ay lasoo wadaagaan goobaha lagu qarinayo hantida dadweyne ee la xaday ayaa sidoo kale soo bandhigay magacyadooda xubno loo haysto faafinta been abuur.

Dr. Hizkiel Gabisa
Dr. Awol Alo kasim
Dr. Etana Habte
Dr. Tsegaye Ararsa
Daniel Birhane and
Senait Mebrhatu

Xukuumadda Abiy ayaa kadib markii ay la wareegtay caasimadda gobolka Tigray ee Mekele waxay shaacisay in ay ku raadjoogto madaxdi ka howlgaleysay ismaamulkaas ee TPLF kuwaasoo ay xustey in cadaaladda horkeeneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Cameroon oo dalkiisa booqasho keliya ku taga, inta badan waqtigiisana ku qaata Switzerland

Intii lagu jiray ololihii doorashada madaxtinimada ee 2025, madaxweynuhu si weyn ugama dhex muuqan isu-soo-baxyada ololaha.

  • Afrika

    23-10-2026

  • 08:18AM

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM