Wadahadaladda biyo-xireenka la isku haysto ee Nile oo dib u furmaya

Image

KHARTUUM, Sudan – Suudaan ayaa sheegtay in Khamiista ay bilaaban doonan wadahadalo saddex geesood ah oo ku saabsan muranka biyo xireenka webiga Nile kaasoo madaxweyne Donald Trump uu ka digay in uu dagaal sababi karo.

Wasiirada Waraabka iyo Arrimaha Dibadda dalalkan ayaa isugu imaanaya kulan uu Midowga Afrika gudoominayo kaasoo ku qabsoomaya aalada fogaan araga ah, sidda uu Talaadada maanta ah shaaciyey wasiirka arrimaha dibada Sudan.

Muddo saddex bilood ah ayay hakad ku jiraan wadaxaajoodyada khuseeya mashruucaan ay Itoobiya ku bixineyso 4.6 bilyan oo Doolarka Mareykanka.

Shaacintan ayaa kusoo hagaageysa maalmo kadib Itoobiya ay si xoogan uga banaanbaxdey hadal kasoo yeeray Trump oo ahaa in Masar ay burburin karto biyo-xireenka isagoo Addis Ababa ku eedeyay jebinta heshiis uu agaasimay.

Hadalkaas kadib, dowlada Itoobiya ayaa su'aallo waydiisay danjiraha Mareykanka u fadhiya Addis Ababa, kaasoo ay ka dalbatay sharaxaad dheeraad ah.

Masar ayaa beeraheeda waxay 97 boqolkiiba ay ku tiirsan yihiin biyaha webiga Nile, waxayna ka walaacsan tahay in hadii biyo-xireenkaas la sameeyo ay hoos u dhici doonan saamiga ay ku leedahay, arrintaas oo Itoobiya ay beenisay.

Itoobiya ayaa ka damacsan biyo-xireenkan in ay ka dhaliso koronta ay wada isticmaalaan wadamada dhaca Geeska Afrika; damac ay Khartuum naqdisay.

Mareykanka ayaa bishii lasoo dhaafay joojiyey taageerada maaliyadeed ee uu siin jiray Itoobiya, isagoo u cuskaday in ay "qaadatay go'aano hal dhinac ah" markii ay bilowday in ay buuxiso biyo-xireenka oo qeyb ahaan la dhameystiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya: Gabdho Soomaali ah oo lagu qabtay $560,000 oo false ah

Saraakiisha DCI-ga ayaa sheegay in lacagta been abuurka ah ay ku jirtay xaalad aad u adag oo dadka qaarkiis aysan si fudud u garan karin.

  • Afrika

    30-08-2025

  • 05:43PM

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM