Walaac dib uga soo cusboonaadey magaalada Mandera ee dalka Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Mas'uuliyiinta iyo saraakiisha ammaanka Mandera ayaa shaaciyey in magaalada ay wajaheyso walaac ka dhashay hub ay sheegeen in lagu dhex-iibinayo gudaha xarunta ismaamulkaas.

Cumar Maxamed Macalin, mudanaha laga soo doortay bariga Mandera, ayaa xusay in hubkaas laga iibinayo beelaha, isagoo tibaaxay in arrintaas ay sababi karto isku dhac waxyeelo kasoo gaara dadka.

Ciidamadda uu horkacayo wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan, oo ku sugan duleedka Mandera, ayuu ku eedeeyay in ay falkaas ka dambeeyaan isla markaana ay bilaabeen in ay hubkooda gataan.

Balse, ma uusan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa. Dhanka kale, wasiir Cabdirashiid Janan kama jawaabin eedaas.

"Shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay iska caabiyaan arrintaas," ayuu Cumar u sheegay warbaahinta oo uu la hadlay shalay.

Taliska Sirdoonka Mandera oo xaqiijiyey sheekadan ayaa ka dhawaajiyey in ay baaritaano ku bilaabeen saddex la tuhunsaneyaal ah oo gacanta lagu soo dhigay iyagoo wata hub ay ka iibinayaan qabaa'ilka.

"Baaritaano ayaan ku wadnaa, marka aan soo dhameyno waxaan warbixin lasoo wadaagi doonaa dadweynaha, iyadoo waafi ah," ayuu raaciyey.

Ciidanka Cabdirashiid Janan ayaa ku sugan duleedka magaalada Mandera oo xuduud la leh Beledwayne, gobolka Gedo, halkaasoo horaantii sanadkan ay kula dagaalameen ciidanka dowladda federaalka.

Janan oo kasoo baxsaday xabsi ay xukuumadda Soomaaliya gelisay ayaa ku doodey in lagu haystay "sharci darro ah" isagoo ka dhawaajiyey dacwadda lagu soo oogay ay tahay "mid siyaasadeysan".

Sikastaba, dooda ku saabsan in ciidanka Janan ay hub ku dhex-iibinayaan gudaha Mandera ayaa dhalisay su'aallo badan, maadaama Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya ay qudhooda kawada howlgalaan magaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM