Walaac ka dhashay sakiin loogu magacdaray Al-Shabaab

Image

MAPUTO, Mozambique - Taliska booliska waddanka Mozambique ayaa amar wuxuu ku bixiyey in baaritaan lagu sameeyo shirkad soo saartay sakiin isla markaana ugu magacdaray "Al-Shabaab".

War-saxaafadeed kasoo baxay taliyaha guud ee bileyska waddankaas, Bernardino Rafael, ayaa waxaa lagu faray laamaha kala duwan ee ammaanka ay joojiyaan ka ganacsiga wax-soo-saarkan.

Sida ku xusan warka qoraalka ah, ciidamadda ayaa sidoo kale waxaa laga doonayaa in ay dabagal ku sameeyaan asalka goobaha lagu iibiyo iyo magaalooyinka ay sida weyn ugu baahdey.

Shirkada CARTA ayaa lagu waramay in 2020-kii ay soo saartey sakiintan kuna bilowdey gobolka Cabo Delgado, balse ay 2021-kii gaarsiisay  gobolada kale ee kala ah; Maputo City and Manica.

Dhawaqa taliska booliska ayaa wuxuu kusoo aadayaa markii warbaahinta bulshadda ay maalmihii lasoo dhaafay qabsadeen sawirrada sakiinta "taasoo loo arkay in ay dayaacad xoojineysa xagjiriinta".

Al-Shabaab waa magaca loo yaqaano koox maxali ah oo jihaad-aloos ah kana howlgasha Mozambique, balse faraceeda uu yahay Soomaaliya isla markaana weeraro ka fulisa deriskeeda Kenya.

Inkasta oo la sheegay in dadka degaanka Mozambique ay magacaas ula baxeen ururkaas maxaliga ah, haddana dowladda dalkaas ayaan wali ka hadlin wallow ay sheegtay in ay la dagaalameyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM