Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Jigjiga iyo Mas'uuliyiin ka hadlay
JIGJIGA - Xaalad kacsanaan ah ayaa wali ka taagan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, kadib markii Ciidamada Federaalka oo wata gaadiid dagaal ay la wareegeen xaruumaha dowladda iyo wadooyinka.
Rabshado iyo dibadbaxyo ayaa dhigayaan taageeriyaasha Madaxweyne Cabdi Maxmuud Cumar [Illey], ayaa ka qarxay Jigjiga markii ay saaka Ciidamada Federaalka Itoobiya soo galeen magaalada.
Meelaha qaar ayaa lasoo sheegayaa inay ka dhaceen bililiqo baahsan oo loo geystay goobo ganacsi kadib markii uu fara ka baxay amniga iyo kala dambeynta, oo jahwaweerar uu ka billowday magaalada Jigjiga. [Halkan ka akhri Warka]
Ciidamada Liyuu Boolis ee daacadda u ah Cabdi Illey ayaa lagala wareegay maamulka magaalada, gaar ahaan xarumaha dowladda, waxaana wadooyinka lagu arkayaa Ciidamo aad u fara badan, oo ka socda dowladda dhexe, oo wata gaadiid dagaal iyo hub culus.
Rasaas teel-teel ah ayaa ka dhacaysa magaalada, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaa in aan la ogeyn halka uu kus ugan yahay Madaxweyne Cabdi Illey, oo khilaaf kala dhaxeeya Abiy Axmed, isagoo diiday inuu tago Addis Ababa oo looga yeeray.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in rabshado ay ka dhaceen magaalada Dhagax-Buur, oo bariga Jigjiga ku taalla, iyadoo lagu soo waramayo in dad caraysan ay bililiqeysteen Bangiyo, Goobo ganacsi iyo hanti kale.
Qalalaasaha Jigjiga iyo la wareegisteeda ayaa kusoo abeegmaysa xilli magaalada Dirir-dhabe uu labadii maalmood ee lasoo dhaafay kulan uga socday Odayaal iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah Cabdi Illey, oo doonaya in xilka laga qaado.
Afhayeenka Baarlamaanka dowlad degaanka ayaa sheegay inaysan ogeyn sababta ka dambeysa in ciidamada Federaalka soo galaan Jigjiga, islamarkaana la qabsadaan xarumaha dowladda, taasoo uu ku tilmaamay fal xad-gudub ah.
Tan iyo markii uu Abiy Axmed la wareegay xukunka Itoobita bishii April ee sanadkan, waxaa socday qorshooyin Cabdi Illey xilka looga qaadayo, iyadoo lagu eedeeyay inuu wax ka qaban waayay dhibaatooyinka ka taagan degaanada Ogadenia.
Warbixintii dhawaan ay soo saartey Human Rights Watch ee tacadiyada Jeel Ogaadeen ayaa jug culus gaarsiisay maamulka Cabdi Illey, oo cadaadis kala kulmay Xukuumadda Addis Ababa, oo ah inuu xiro xabsigan ama is-casilo.
GAROWE ONLINE