Warbaahinta Kenya oo "xil cusub siisey" wasiir Cabdirashiid Janan

Image

NAIROBI, Kenya – Warbaahinta wadanka Kenya oo maalmihii dambe aad diirada u saareysa xiisada ka aloolsan xadka uu dalkooda la leeyahay Soomaaliya ayaa baahintooda si weyn u kala duwan tahay.

Xaaladda ayaa meel xun gaartay markii ciidamo kala taabacsan Jubaland iyo Dowlada Soomaaliya ay ku dagaalameen magaalada Beledxaawo, inkastoo uu kusii fiday degmada Mandera.

Wargeyska afka dheer ee The Star ayaa warbixin uu qoray wuxuu Janan ku tilmaamay xil ka duwan midka uu hayo.

Janan rasmi ahaan waa Wasiirka Amniga Jubaland, balse jaraa'idka wuxuu ku sifeeyay Wasiirka Difaaca maamulkaas.

Inta illaa iyo haatan la og-yahay, Janan wuxuu ku sugan yahay Mandera, wallow warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan goobta uu kaga sugan yahay huteel, guri kirro ah ama saldhig ciidan.

Mas’uuliyiinta Mandera oo codsadey in Janan iyo ciidamadiisa ay ka baxaan gobolka ayaa sheegay in joogitaankooda ay cabsi ku abuureyso dadka oo durba barakac bilaabay.

Dowladda Soomaaliya oo Janan u aqoonsan "wasiir baxsad ah" ayaa ku eedeysay in uu galay dambiyo culus, inkastoo uu iska fogeeyay eedeyntaas kuna qeexay "kuwa siyaasadeysan".

Qadiyada Janan ayaa wiiqdey xiriirka Muqdisho iyo Nairobi oo kolkii hore uu saameeyay kiiska badda ee horyaala ICJ, kaasoo ku saabsan sohdin badeed hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka.

Xukuumada Nabad iyo Nolol ayaa lagu dhaliilay ciidamo colaad hurinaya oo ay geysay gobolka Gedo, talaabadaas oo Jubaland ay ka dhawaajisay in ay tahay duulaan.

Jubaland iyo Villa Soomaaliya ayaanan lahayn xiriir wanaagsan, waxaana xaalada dowladda Farmaajo aysan aqoonsaneyn madaxweyne Axmed Madoobe, wallow Mareykanka uu si buuxda u taageeray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM

Itoobiya: In ka badan 60 qof oo lagu dilay weerarro ka dhan ah Masiixiyiinta gobolka Oromia

Kaniisadda ayaa sheegtay in shan ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen carruur, sida ay goobjoogayaashu u sheegeen BBC-da Af-Amxaarka.

  • Afrika

    27-10-2026

  • 10:45AM