Xog ay Kenya qarisay kuna saabsan weerarkii Manda oo la shaaciyey

Image

NAIROBI, Kenya – Muwaadin Kenyan ah ayaa la xaqiijiyey in uu kamid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ku qaadey saldhiga Jaziirada Manda Bay ee gobolka Lamu, 5-tii Janaayo, 2020.

Wargeyska afka dheer ee Daily Nation ayaa Arbacada maanta ah ku waramay in Mwalimu Chengo ay ku dhacday shan xabadood.

Sidda laga soo xigtay warbixinta jaraa'idka, Chengo, oo shacab ahaa, ayaa lagu toogtay banaanka xeradda oo aad loo ilaaliyo. Lama ogga sababta loo beegsaday.

Illo wareedyo ayaa dusiyey in meydka Mwalimu Chengo ay ciidamadda booliska ka qaadeen goobta lagu khaarijiyey.

Josphat Ponda, oo la dhashay Chengo, ayaa sheegay in walaalkii uu shaqaale ka ahaa beer ku taala degaanka Hinda oo ku dhow xerada.

"Mararka qaarkood ayuu beeraley ahaa. Kadib dilkiisa, saaxiibadii oo arkay dableyda waxay sheegeen in maleeyshiyaadka ay wateen darees milatari," ayuu Ponda yiri.

Dowladda Kenya ayaa horey u shaacisay in qof Kenyan ah uusan waxba ku noqon weerarka, balse warkan cusub wuxuu ku noqonayaa waji gabax. Ma cadda in ay jiraan tirro kale oo aan la ogayn.

Dhimashadda Saddex Ameerikaan ah iyo waxyeelo soo gaarey diyaarado si lamid ah gaadiid dagaal ayay xukuumadda Nairobi horey u xaqiijisay.

Saldhiga la beegsaday oo ka kooban xero ciidan iyo garoon diyaaradeed ayaa waxaa ku sugan ku dhowaad 200 oo ciidamo Mareykan ah, wallow xukuumadda Washington kordhisay kadib falkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM