Wariye caan ah una dhashay Pakistan oo lagu dilay Nairobi

Image
Askar ka tirsan booliska Kenya ayaa la sheegay in ay ka dambeeyay falkan markii ay ku qaldeen ruux kale.

NAIROBI, Kenya - Wariye reer Pakistan ah, Arshad Sharif, ayaa lagu soo waramay in booliska Kenya ay toogteen habeenimadii Axadda kadib markii ay qof kale ku qaldeen, sidda ay warisay saxaafada.

Arshad Sharif oo kiiskiisa uu durba dhaliyey tuhun badan ayaa la sheegay in madaxa looga toogtay wadada isku xirta Nairobi iyo Magadi ka dib markii ciidamada booliska ay ceyrsadeen.

Xaaska Shariif ee Javeria Siddiqui ayaa baraha bulshada soo dhigtay qoraal si ay u xaqiijiso geerida iyadoo tiri: "Waxaan maanta waayay saaxiib, saygayga iyo weriyaha aan jeclaa ee Arshad Sharif, sida ay boolisku sheegeen waxaa lagu toogtay gudaha Kenya".

Wariyaha dambi baarista Kenya John Allan Namu ayaa sidoo kale wuxuu xaqiijiyay geerida, waxaana uu beeniyay wararka sheegaya in dilka Shariif uu sabab u ahaa inuu Kenya u dhoofo si uu ugala shaqeeyo dhokumentari baaritaan ah.

Arshad ayaa la sheegay in uu ku howlanaa kiis baaritaan musuq maasuq ah oo loogu magacdaray "Behind Closed Doors" kaasoo ku saabsanaa dabagalka shaqsiyaadka awooda badan ee is-dabamarinta sameeya.

Taliska bileyska Kenya ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhimashadda saxafiga. Xiriiro kala duwan oo ay saxaafadda la sameysay waxa ka gaabsadeen in ay ka jawaabaan.

Dilalka saxafiyiinta ayaa naadir ku ah waddanka Kenya. Balse, waxaa xargaha goostey sanadihii lasoo dhaafay musuqmaasuqa. Madaxwayne Ruto wuxuu ku ololeeyay in uu si adag ula dagaalamayo qadiyaddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM