Wasiir hore: Abiy wuxuu Isaias Afwerki ka aqbalay in uu kufsado Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya, Seyoum Mesfin, ayaa dhaleeceeyay siyaasadda ra'iisul wasaaraha talada haya Abiy Axmed ee ku wajahan dalka ay colaada badan kala dhaxeysay ee Eritrea.

Seyoum Mesfin oo u waramay warbaahinta ku hadasha afka Tigreeyga ee magaceeda loosoo gaabiyo TMMA ayaa rumeysan in Abiy uu u ogolaadey Isaias Afwerki, madaxweynaha Eritrea, in uu "kufsado" Ethiopia.

Hogaamiyaha Eritrea ayaa booqasho qaadaneysa muddo saddex maalmood ah wuxuu todobaadkan ku yimid deriskooda Itoobiya.

Intii uu wareysiga socday, Seyoum Mesfin ayaa ku qeexay Abiy Axmed "ra'iisul wasaare hore" maadaama uu ka dhamaadey muddo xileedkiisa.

Dhismaha dowlad ku meelgaar ah ayuu ku baaqay, hadalkaas oo uu ku xoojinayo soo jeedin ka timid xisbiga uu ka tirsan yahay ee gobolkaas ka taliya.

Mr Seyoum ayaa qiil u yeelay iska-caabinta Tigreeyga ee ku wajahan dowlada Abiy Axmed oo ay si adag uga soo horjeedaan tan iyo markii xilka qabtey.

"Kahor sanadkii 2018-kii waxaa jirtay dowlad la doortey oo waqti leh. Hadda ma jirto xukuumad lasoo doortey," ayuu tilmaamay, isagoo u muuqda mid ka hadlaya kororsiga baarlamaanka u sameeyay maamulka wasiirka koowaad.

Doorashooyinka baarlamaaniga Itoobiya oo loo madal-sanaa August una baaqdey sababo la xiriira Coronavirus ayaa aad u kala qeybiyey hogaamiyeyaasha siyaasada Itoobiya, waxaana hadda laga cabsi qabaa in wadanka uu kala tago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM