Wasiir kashifay Wadahallo Qarsoodi ah oo Kenya kula jirto Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Wasiirka arrimaha Dibada ee Kenya Haweeneyda lagu magacaabo Monica Juma, ayaa waxay daboolka ka qaaday inuu hada soconayo wadahalo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalkeeda oo ku saabsan muranka dhanka Badda.

Soomaaliya ayaa ku doodeysa in Kenya ay kusoo xad-gubtay sohdinteeda dhanka Badda, islamarkaana waxay dacwad ka geysay Maxkamada Cadaalada Aduunak ee ICJ, taasoo wajigii koowaad ee Dacwad ay soo dhamaatay, xili loo fadhiyo go’aanka maxkamada.

Laakiin, kahor inta uusan soo bixin go’aanka Maxkamada ayaa waxaa wasiirka arrimaha dibada ee Kenya waxay ka dhawaajisay hadal shaki badan ku abuuraya Bulshadda Soomaaliyeed, kaasoo ah inay dooneyso inay ku xaliso arrintaan si Isfahan.

Iyadoo wareysi siinaysay wargeyska New Africa islamarkaana xaalada guud ee gobolka Geeska Afrika wax laga weydiinayay ayaa waxay kaloo ka ha hashay wasiiradda ujeedka ay ciidamadooda ujoogaan Soomaaliya.

“Dad badan ayaa nagu dhaleecayna joogitaanka ciidankeena ee Soomaaliya, laakiin waxaan aragnaa in halkaas ay ku jirto danaheena, maxaa yeelay in gobolka uu noqdo mid Barwaaqo iyo amaan ah, waa inay xoojino joogitaankeena Soomaaliya,” ayey tiri.

Iyadoo ka hadlaysay muran Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayay hadalkeeda kusii dartay: “Waxaan mar walba doorbidi lahayn inaan udirno Muqdisho fariin ah inay haboon tahay in murankeena aan inaga xalinno oo uusan soo gelin gacan saddexaad.

“Waxaan leenahay Urur goboleedka IGAD halkaasoo aan ku xalin karno murankeena. Waxaa jira heshiis is fahan oo aan xukuumada Muqdisho kula jirno, taasoo xoojinaya xiriirka Diblumaasiyadeed ee labada dal iyo macnaha wadaxaajoodka," ayay hadalkeeda raacisay.

“Dabcan wadank wuxuu haystaa ikhtiyaarro kala duwan oo ay kamid tahay inuu tago maxkamad, laakiin Soomaaliya waxaan la leenahay xiriir aan kala go’lahayn. Walina waxaan sahmineynaa dhamaan wadooyin kale," ayay tiri Wasiiradda.

“Waxaan noo socda wadahalo aan rajeynayo inaan kuwada gaarno heshiis wada ogol ah,” ayey hadalkeeda kusoo qatintay Wasiirka arrimaha Dibada ee dowladda Kenya Monica Juma.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM