Wasiir lagala wareegayo iPhone ka sameysan dahab iyo hanti kale

Image
Image

ABUJA, Nigeria – Maxkamad ku taala Nigeria ayaa amartay in lala wareegto dahab lagu qiimeeyay 40 milyan oo dollar iyo talafoon iPhone ah kana sameysan dahab oo ay lahayd wasiirkii hore ee Bartoolka, Diezani Alison-Madueke.

Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa ee wadankaasi Galbeedka qaarada Afrika dhaca ayaa warkan ku dhawaaqey Jimcadii.

Waxyaabaha ee dowlada u gacan-galaya ee laga soo helay hanti ay lahayd Alison-Madueke waxaa kamid ah; jijimo, faraantiyo, dhego, katiinado iyo saacado, sidda uu ku dhawaaqay Guddiga.

Alison-Madueke, oo ahayd wasiirka Batroolka intii u dhaxeysay 2011 illaa iyo 2015 ayaa iyadda oo maqane ah waxaa sanadkii 2017-kii lagu eedeeyay dhaqitaan lacag.

Goobta ay ku sugan tahay weli lama ogga, qareenkeeda oo fadhigiisu yahay caasimada UK ee London kaasi oo iyadda metala wali kama uusan jawaabin warkan.

Guddiga, oo sheegay in cid kasta oo xiiseynaysa in ay aragto hantida uu fursad u siinayo, ayaa la siiyey muddo 14 maalmood ah si ay ula wareegaan hantidaasi.

2017-kii ayey ahayd markii maxkamad ay u ogolaatey dowladda in ay si ku meel gaar ah ula wareegto guri lagu qiimeeyay 37.5 milyan oo dollar kaasi oo ku yaala xaafad ay madaxdu degto oo ku taala Lagos.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM