Wasiir lagu canaantay qoraal uu baraha bulshada soo dhigay

Image

JOHANNESBURG, South Africa – Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa ku canaantay wasiirkiisa maaliyadda, Tito Mboweni, hadalo uu baraha bulshadda uga yiri xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Zambia.

Sabtidii, hogaamiyaha Zambia, Edgar Lungu, ayaa eryay gudoomiye Denny Kalyalya, isagoona ku bedelay Christopher Mphanza, wasiir ku xigeenkii maaliyadda, sidda lagu sheegay digreeto kasoo baxdey Madaxtooyada.

Mboweni oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa carabka ku dhuftay in uu bilaabi doono olole ka dhanka ah Zambia hadii aan tafaasiil dheeraad ah laga bixin sababta dhabta ah ee loo racdeeyay Kalyalya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Koonfur Afrika ayaa si adag waxaa lagu cambaareeyay dhawaqa kasoo yeeray Mboweni.

"Madaxweyne Cyril Pamaphosa wuxuu u xaqiijinayaa dowladda iyo shacabka Zambia hadaladaas nasiib-darada ah in aysan ku lifaaqneyn mowqifka Dowladda iyo shacabka Koonfur Afrika," ayaa lagu yiri qoraalka aadka u koobnaa.

Pamaphosa ayaa ku waaniyey Mboweni in uu ku koobnaa shaqadiisa isla markaana uusan mar dambe ku dhawaaqin talaabooyin noocaan oo kale ah.

"South Africa iyo Zambia waxay leeyihiin xiriir taariikhi ah marka dib loogu laabto taariikhyadii hore. Waxaan rajeynaynaa in uu cilaaqaadkeena sidiisa sii ahaado, labada dal ah saaxiibo sii ahaadaan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Sikastaba, Kalyalya ayaa jagadan laga xayuubiyey loo dhiibay shan sano kahor, waxaana xil-heyntiisu qorshuhu ahaa in ay dhamaato sanadka 2023-ka. Sidoo kale, wuxuu horey u soo qabtay xilka madaxa fulinta Bangiga Dhexe ee Zambia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM