Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo taliyeyaal ciidan oo la eryay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ceyriyey Wasiirka Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka, Taliyaha guud ee Ciidamadda, iyo taliyaha booliska federaalka, sidda ay warisay EBC.

Sidda laga soo xigtay digreeto uu soo saarey Abiy, Demeke Mekonnen ayaa loo magacaabay Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Dibadda, isagoo bedelaya Gedu Andargachew oo xilkaas hayey tan iyo April, 2019.

Taliyaha guud ee ciidamadda qalabka sidda ee Itoobiya ayaa, sidda ku cad wareegtan ku taariikheysan 8-da bishaan November, sanadka 2020, laga dhigay Jeneraal Berhanu Jula.

Gaashaanle Dhexe Ababaw Tadesse ayaa waxaa la sheegay in uu loo xushay in uu noqdo taliye ku xigeenka cusub ee ciidamadda difaaca Itoobiya kuwaasoo magacooda loosoo gaabiyo ENDF.

Agaasimaha Hay'adda awooda badan ee qaabilsan arrimaha Mukhaabaraadka Qaranka Itoobiya iyo Arrimaha guud ee Ammaanka ayaa waxaa la xaqiijiyey in laga dhigay Temesgen Tiruneh.

Demelash G. Michael ayaa dhankiisa waxaa laga dhigay Taliyaha Booliska Federaalka, halka Gedu Andargachew loo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Isbedeladan ayaa kusoo hagaagaya xilli waqoyga Itoobiya uu ka socdo dagaal u dhaxeeya maamulka Abiy iyo ismaamulka Tigreeyga. Isku-dhacaan waa natiijada is-qabqabsi siyaasadeed oo xuduntiisu tahay doorasho iyo awood qeybsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM