Wasiirkii hore ee warfaafinta Itoobiya oo dambi culus lagu helay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirkii hore ee warfaafinta Itoobiya, Bereket Simon, ayaa waxaa lagu helay dambi musuqmaasuq, sidda uu Isniinta maanta ah qortay majalada maxaliga ah ee Addis Standard.

Bishii Janaayo ee sanadkii hore 2019 ayaa xabsi loo taxaabay Siman, waxaana tan iyo xilligaas ku socotay baaris iyo su'aallo waydiin, iyaddoo dhowr jeer laga diidey codsi ku saabsan in damiin lagu sii daayo.

Waqtigaas ayaa waxaa lala xiray Tadesse Kassa, kaas oo dhankiisa lagu eedeeyay wax is-dabamarin, wallow aanan fahfaahin laga bixin.

Kahor xarigooda, labadooda waxaa shaqo joojin lagu sameeyay bishii August ee sanadkii 2018-kii, iyaddoo aan xilligaas la sheegin sababta.

Siman ayaa "lagu helay" laba dambi, halka Tadesse ay ku cadaatay saddex dambi oo kamid ah afar kiis oo lagu soo oogay. Tadesse Kassa wuxuu ahaa madaxa golaha TIRET ee xisbiga Amxaaradda.

Eedeysane saddexaad oo ah ganacsade Daniel Gizaw ayaa xorriyadiisa dib u helay kadib markii "lagu waayey wax fal-dambiyeed ah".

Sidda ay baahisay warbaahinta ku dasha afka dowladda Itoobiya, xukunka kama dambeysta ah ee Bereket iyo Tadesse ayaa waxaa lagu dhawaaqi doonaa 6-da bisha May ee sanadkan aynu ku jirno ee 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM