Weerar ay soo qaadeen xubno Al-Shabaab ah oo leyska caabiyey

Image

NAIROBI, Kenya – Taliyaha booliska gobolka waqooyi-barri ee Kenya, Nick Ndalana, ayaa sheegay in dabley ka tirsan Al-Shabaab ay iska hor-imaad kula galeen gudaha ismaamul goboleedka Garissa.

Sidda laga soo xigtay wargeyska Daily Nation, is-rasaaseynta oo ahayd mid aad u xoogan ayaa ka dambeysay markii gaari ay leeyihiin ciidamada lala eegtay qaraxa nooca dhulka lagu aaso ah.

Mr Ndalana ayaa daboolka ka qaadey in weerarkaas jidgalka ah uu Isniintii ka dhacay wadada isku xirta degaanada Bura-East-Garissa.

"Waxaan helnay macluumaad sheegaya in dabley ay halkaas joogaan; booliska wuxuu ku jiray roondo. Kadib markii maleeyshiyaadka ay ka war heleen in gaarigu ka badbaaday qaraxa waxay rasaas kusoo fureen ciidamadda," ayuu yiri, isagoo ku daray in Miinada qaraxday kadib markii baabuurka ay la socdeen saraakiisha uu dhaafay goobta lagu duugay.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in ay arkeen waxyeelo gaariga oo ahaa nooca Toyota Land Cruiser kasoo gaartay rasaasta kooxaha hubeysan oo lagu tuhunsan yahay Al-Shabaabnimo.

Ma jirto wax khasaaro nafeed oo ka dhashay falkaas, sidda uu ka dhawaajiyey Ndalana oo ka gaabsaday in uu bixiyo tafaasiil dheeraad ah.

Laba maalmood kahor ayay ahayd markii dabley Al-Shabaab ah ay degaanka Khorof Kharar ee ismaamulka Wajir ay ku burburiyeen anteenada shirkada Safaricom kadib "weerar ka fashilmay".

Taliyaha booliska gobolka, Thomas Ngeywa, ayaa wuxuu tibaaxay in dagaalameyaasha isku dayeen in ay beegsadaan saldhigooda booliska.

Axadii, ciidamadda difaaca Kenya ayaa nawaaxiga xuduudka Soomaaliya iyo dalkooda ka geystay duqeyn dhanka cirka ah, taas oo ay guulo ka sheegteen, wallow aysan jirin illo madax-banaan oo xaqiijiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM