Weerar Nin Soomaali ah ka fuliyay South Africa oo war laga soo saarey

Image

CAPE TOWN - Booliska South Africa ayaa war ay kasoo saaray weerar nin u dhashay Soomaaliya uu 14-ka June ka geystay Masjid ku yaalla magaaladda Malmesbury oo qiyaastii 65-KM dhanka Waqooyi uga beegan magaalada Cape Town.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee falkaan ka dambeeyay oo lagu magacaabo Nuur Cabdulle Caraale [Nuur Turaayo], ayaa mindi/toorey ku weeraray Jamaaco Madjika ku jirtay, isagoo dilay labo qof, oo mid Soomaali ahaa, sida ay xaqiijiyeen Booliska.

Saraakiisha amaanka South Africa ayaa toogtey Nuur Cabdulle, kadib markii uu ka dhega-adeegay inuu mindida dhigo, oo Booliska isku dhiibo.

Waaxda Dambi-baarista ee Koonfur Afrika oo meydka la wareegtay ayaa sheegtay in baaristooda ay kusoo ogaadeen in Nuur uusan wax xiriir ah la lahayn koox argigixisadda, islamarkaana aysan jirin cid kale oo soo adeegsatay.

Afhayeenka Booliska South Africa, Philane Nkwalase ayaa sheegay in Nuur uu ahaa nin dhimirka/maskaxda looga jiray, oo caafimaadkiisu ahayn mid taam ah, taasina u keentay inuu dad masjid ku cibaadeysanaya inuu weerar ku qaado.

"Nuur oo ah 23-sano jir, waxaa noo cadaatay kadib baaritaan inuu ahaa Bukaan-socod dhimirka looga jiro tan iyo 2013-kii, mana jiraan calaamado muujinaya inuu taageere u ahaa ama uu ka tirsanaa Kooxaha argigixisadda," ayuu yiri Afhayeenka.

Ugu dambeyn, waaxda Dembi-baarista, ayaa daboolka ka qaaday in meydka maruuxmka ay ku wareejin doonaan qoyskiisa si ay aastaan, kadib markii uu usoo idlaaday baaritaankooda.

Dalka South Africa oo ah dalka ugu badan ee lagu dilo dadka kasoo jeeda Soomaaliya, iyadoo dilalka ay geysanayaan Gaangistarro ka caroodey horumarka ganacsi ee ay sameynayaan jaaliyadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM