Weeraro ka dhan ah saldhigyada Mareykanka ee Afrika oo laga digay

Image

WASHINGTON, US – Labaatan kamid ah saldhigyadda Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa shiishka u saaran kooxaha doonaya in ay bartilmaameedsadaan, sidda ay muujinayaan dukumiintiyo sir kuwaasoo lasoo dusiyey.

Shabakaadda afka dheer ee VICE oo heshay dukumiintiyadaas ayaa waxay tibaaxdey in ay ka heshay saraakiil sarre kana tirsanaa ciidamadda Mareykanka kuwaasoo haatan ka fadhiistay shaqooyinka qaranka.

Saraakiishan ayaa ka gaabsaday in ay soo bandhigaan goobaha iyo wadamada ay ku kala yaaliin xerooyinka. Hase ahaatee, waxay hoosta ka xariiqeen in beegsigooda lagu weyn karo askar Ameerikaan badan.

Weerarkii Al-Shabaab ku qaadey xerada Manda Bay ee waqooyi barri Kenya kaasoo lagu dilay saddex Ameerikaan ah laguna gubay saanad ay diyaarado ku jiraan ayay xuseen in weerarada soo aadan lamid noqdan.

Sidda ku xusan dukumiintiyadda, weerarkaas oo dhacay iyaddoo sarre loo qaadey amniga saldhiga ayaa dhaliyey su'aallo ay kamid yihiin qaabka uu ku dhacay. Ciidanka Kenya waxaa lagu eedeeyay "in ay carareen".

Gaashaanle Donald Bolduc oo Taliska Mareykanka ee Afrika kamid ahaa intii u dhaxeysay 2013 illaa 2015, ayaa cod dheer wuxuu ku shaaciyey in askartooda ay u geeriyoonayaan siyaasad, qidad iyo farsamo xumo.
"Waxay u badan taha in weerar kale oo lamid ah midka Manda Bay uu ka dhici doono meel kale oo Afrika kamid ah," ayuu tibaaxay.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRICOM] oo xaqiijiyey in halistaan ay jirto ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo tafaasiil dheeraad ah.

Qaylo-dhaantan ayaa kusoo hagaageysa xilli madaxweyne Donald Trump uu qorsheynayo in wadamo ay kamid tahay Soomaaliya ka saaro ciidamadda Mareykanka, wallow dowlada federaalka caddeysay inay kasoo horjeedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya: Gabdho Soomaali ah oo lagu qabtay $560,000 oo false ah

Saraakiisha DCI-ga ayaa sheegay in lacagta been abuurka ah ay ku jirtay xaalad aad u adag oo dadka qaarkiis aysan si fudud u garan karin.

  • Afrika

    30-08-2025

  • 05:43PM

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM