Wiil la dhashay Xildhibaan oo meydkiisa laga helay guri uu ku noolaa

Image

NAIROBI, Kenya – Wiil ka dhashay mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa Arbacadii 12-ka August meydkiisa laga helay hoyga uu ka deganaa magaaladda Migori, sidda ay ku warantay saxaafada gudaha.

Peter Masara, oo ah Xildhibaanka walaalkiisa la helay meydkiisa, ayaa laga soo doortaa Galbeedka degaan doorashooyinka Suna.

Michael Odhiambo oo ah shaqsiga meydkiisa la helay ayaa la sheegay in uu kaligii u kireysnaa guriga, halka qoyskiisa ay ku nool yihiin Gwasi, ismaamul goboleedka Homa Bay.

Taliska booliska oo xaqiijiyey dhacdada ayaa sheegay in ay kusoo wargeliyeen dadweynaha isla markaana ay baarayaan sababta dishay.

"Wali ma aanan ogaan sababta keentay geerida. Waxa kaliya oo aan kasoo helnay guriga waa haraadiga gacan," ayuu yiri taliska oo ka dhawaajiyey in ay baaritaan ku bilaabeen, soona bandhigayaan tafaasiisha shilkaan.

Meydka ayaa loo qaadey qabuuraha isbitaalka maamul goboleedka Migori, halkaasoo qorshuhu yahay in aas loogu sameeyo.

Sharci-dejiyaha walaalkiisa uu dhintay ayaan wali ka hadlin dhacdadaan, wallow xiriiro lala sameeyay uu tilmaamay in uusan diyaar ahayn.

Kenya ayaa kamida  wadamada ay dhimashadda maalinlaha ku badan tahay; waxaana kiis noocaan ah oo horey loosoo wariyey lala xiriiriyey u isticmaalka maandooriye si xad-dhaaf ah, wallow uu Covid19 jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM