Ruto oo aqoonsiga kala noqdey 'gobol' gooni-isu-taag ah

Image
Madaxweynaha Kenya ayaa talaabadan qaadey "isaga oo qadarinaya qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay".

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne William Ruto ayaa si rasmi ah wuxuu shaaca kaga dhigay in Kenya ay ka noqotey xiriirkii ay la lahayd Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Carabta ee Sahrawi Arab Democratic Republic (SADR).

Go’aanka Ruto ayaa yimid maalin kadib xafladiisa caleema saarka, oo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha SADR ninka lagu magacaabo Brahim Ghali. Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Carabta ee Sahrawi (SADR) waa dawlad qayb ahaan la aqoonsan yahay oo u ololaysa in ay madaxbannaani ka hesho Morocco.

Isagoo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka Arbacadii, Sebtembar 14, ayuu madaxweyne Ruto ku sheegay in uu xiriirka u jaray ‘gobolkaas’ isaga oo durba bilaabay in uu ka tirtiro joogitaankeeda Nairobi.

"Kenya waxay ka laabatay aqoonsiga SADR waxayna billowday tillaabooyin lagu burburinayo joogitaanka hay'addaheeda ee dalka," ayuu Ruto ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Hadalkan ayuu shaaciyey wax yar un ka dib markii uu dhambaal hambalyo ah ka helay Maxammed VI, boqorka Morocco. Laba saacadood ka dib, Madaxweynuhu waxa uu boggiisa Twitter-ka ka masaxay qoraalkii uu ku qoray Facebook-ga.

"Kenya waxay taageertaa qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay oo ah habka gaarka ah ee xal waara loogu heli karo muranka Saxaraha Galbeed," ayuu raaciyay.

SADR waxa ay sanado badan u dagaalamaysay in ay xornimo ka qaadato Marooko oo ay ka hesho Saxaraha Galbeed. Waxay gacanta ku haysaa qayb ka mid ah Saxaraha Galbeed oo ku taal bari ee darbiga waddanka Morocco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM