Xasarad ka dhalatay xabaal-wadareed laga hela Mali

Image

MALI - Dagaal dhanka afka ah ayaa ka dhaxqaraxay dowladaha Mali, Ruushka iyo Faransiiska kadib xabaal-wadareed laga helay meel ku dhaw saldhig militeri oo ku yaalla Mali, oo ay deganaayeen Ciidamo Faransiis ah.

Faransiiska ayaa ku eedeeyay Calooshood u shaqeysiyaal u Ruush ah oo la shaqeynayay Ciidanka Mali inay sameeyeen olole magac-dil ah, kadib markii ay meyded ku daadiyeen saldhigga si loogu eedeeyo Ciidanka Faransiiska inay dadkaas dileen.

Saraakiisha dowladda Mali ayaa sheegay inaysan ku faraxsanayn eedeynta Faransiiska u jeedinayo Ruushka.

Faransiiska oo kumanaan askari ay ka joogeen Mali tan iyo 2013 ayaa ku dhawaaqey February 2022 inuu askartiisa lasoo baxay xili khilaaf ka taagnaa doorkooda la dagaalan xoogagag jihaad-doonka Daacish iyo Al-Qaacida.

Qaar kamida ah dalalka Yurub, oo Faransiiska ku jiro ayaa walaac ka muujiyay joogitaanka calaashood u shaqeystiyaasha Ruushka ee Mali, kuwaasoo u shaqeeya shirkad gaar ah oo Wagner lagu magacaabo, taasoo qaabilsan dhanka amniga iyo tababarada, waxayna ka shaqeysaa dalal dhowr ah oo Africa kamid ah.

Dowladda Ruushka ayaa sheegay inaysan wax xiriir ah kala dhaxaynin Shirkadda Wagner.

Ciidamada Faransiiska ayaa 19kii Abriil ku wareejiyay saldhig milatari oo ku yaal Gossi maamulka Mali, askarta Malina ay la wareegeen maalintaas - waa xaqiiqo ay dhammaan dhinacyada ku lugta leh arrintan isku raaceen.

Gelinkii dambe ee 20-kii Abriil, ciidamada Faransiiska ayaa sheegay in sahankooda hawada uu muujiyey tiro askar kale ah, oo ay ku tilmaameen "Caucasians [Yurub] looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Wagner", oo soo gaaray saldhiggan oo ay ku dejiyeen qalab iyo ciidamada Mali ee maxalliga ah.

Mali waxa ay sheegtay in ka dib markii ay la wareegeen gacan ku haynta saldhiga 19-kii April, in ciidan xoojin ah loo diray halkaas 20-kii Abriil, balse habeenkaas ay la kulmeen rasaas, oo uga timid kooxo aan la garanayn.

Ilaalo sahan ah ayaa la diray subaxii (21 Abriil) si ay u hubiyaan aagga, abbaaraha 06:30 wakhtiga maxalliga ah ee maalintaas, waxay heleen xabaal wadareedka. Illaa hadda lama oga cida dishay dadkaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa bayaan ay ka soo saartay dhacdadan ku sheegtay inay taageersan tahay warka Mali, waxayna ku eedaysay Faransiiska inuu eedda dhimashada dad kale u wareejiyay meel kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM