Xabad-joojin hal dhinac ah oo looga dhawaaqay gobolka Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabad joojin ka dhacday gobolka Tigray - sideed bilood kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ciidamo u diray si ay meesha uga saaraan madaxda TPLF.

Warkan ayaa ku soo aadaya iyadoo goob joogayaal ay soo wariyeen in ciidamada ka soo horjeeda dowlada ay qabsadeen caasimada Tigray ee Mekelle.

Dhammaan dhinacyada ayaa lagu eedeeyay inay fuliyeen dilal wadareedyo iyo ku tumasho xuquuqda aadanaha. In ka badan shan milyan oo qof ayaa u baahan gargaar cunno oo deg deg ah, sida ay sheegtay UN-ka, iyadoo 350,000 ay soo food saartay macluul.

Wararka soo ifbaxay Isniinta maanta ah waxay tibaaxayaan in dagaalyahanada Tigreega - oo bilaabay duulaan cusub usbuucii hore - ay ku qasbeen xarunta maamulka kumeelgaarka ah ee Mekelle.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka Jabhadda Waddaniga Xoraynta Dadweynaha ee Tigreega (TPLF), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in magaalada ay hadda gacanta ku hayaan.

Tiro dad ah oo ku sugan Mekelle ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay inay u dabaaldegayaan bixitaanka ciidamada federaalka. Ilo aan la magacaabin oo ka tirsan dawladda ku-meel-gaadhka ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay "qof walba wuu baxay", halka laba goobjooge ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters in askarta Tigreega ah lagu arkay Mekelle.

Dagaalku wuxuu billowday bishii Nofembar, markii dowladda Itoobiya oo gacan ka heleysa ciidammo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ay billaabeen guluf ay ku eryaan xisbigii talada hayey xilligaas ee gobolkaas, kaasoo ahaa Jabhadda Xoreynta Dadweynaha ee Tigray (TPLF). Dhamaadka bisha, waxay ku dhawaaqday guul.

Jabhadda TPLF ayaa khilaaf aad u ba'an kala dhaxeeyay Mr Abiy kadib isbadalkiisa siyaasadeed inkasta oo qabsashadii saldhigyada militariga federaalka ee Tigray ay horseed u ahayd duulaanka

Dowlada Itoobiya ayaan wali ka hadlin warka sheegaya in ciidamadeeda soo baxeen. Kooxda TPLF ayaa wixii intaa ka dambeeyay waxay ku biirtay xoogag kale oo katirsan kooxda Tigreega si ay u dhisaan ciidamada difaaca ee Tigray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM