Xafiiska Rooble oo amar duldhigay hogaamiyaha Galmudug
MUQDISHO, Soomaalia - Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa ku tartarsiisay hogaanka Galmudug in ay "si dhaqso ah" u soo gudbiyaan liiska xubnaha ku metelaya guddiyadda doorashooyinka heer federaal.
Maxamed Ibraahim Macalimuu, oo ah afhayeenka ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa qoraal uu kusoo daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa ku dhaliilay Galmudug daahinta soo gudbinta liiska.
Macalimuu ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] uu kusoo gudbiyo liiska laga doonayo muddo ku suntay todobaad, hase ahaatee, ma cayimin asbuuca uu yahay.
"Dowlad-goboleedyada inta badan wey u soo gidbiyeen Ra’iisul Wasaaraha liiska wax ka baddelka Guddiyada Doorashooyinka ee dib loo eegay. Waxaa weli laga war dhowrayaa Dowlad Goboleedka Galmudug oo ah Dowlad Goboleedka kaliya ee aan weli soo dirin," ayuu yir.
Wuxuu ku daray: "Maadaama waqtigu uu soconayo, shacabka Soomaaliyeedna ay doonayaan in la dardargaliyo howlaha hirgalinta doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga heer Wasiir ee uu magacaabay waxa ay ka codsanayaan Madaxweyne Ahmed Cabdi Kaariye inuu si dhaqso ah u soo gudbiyo liiska xubnaha Galmudug ee laga sugayo muddada todobaadka ah".
Waa markii labaad oo xafiiska ra'iisul wasaaraha uu Qoorqoor cod dheer kaga dalbado in uu soo magacaabo xubnaha uga mid noqonaya guddiyaddan, sidda uu xeerinayo heshiiska doorashooyinka ee la shaaciyey May.
Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, iyo HirShabelle ayaa horey u magacaabay xubnaha uga mid noqonaya guddiyaddan, iyaddoo wali is-jiid-jiid uu ka taagan yahay guddiga doorashooyinka ee wakiiladda Somaliland.
GAROWE ONLINE