Xanuunka hooyo dhimashada wiilasheeda lala xiriiriyey Al-Shabaab
NAIROBI, Kenya – Inkastoo ay tahay haweenay aan wali rajo dhigin, Aamina Maxamed wali way naxsan tahay, saacadba saacadda xigtana waxaa kusii kordheysa murugadda iyo tiiraanyadda.
Iyadoo qaadatey waaya-aragnimo aysan dunida horey u arag hooyo maadaama geerida cunugeeda ay ku ogaatey hab qaracan leh, haddana waxay xaqiin kareysaa dhimashada wiilkeedii labaad.
Mar walba oo dib loo xusuusiyo 14-jirkeeda Cabdala Saliim oo lagu waramay in uu Soomaaliya u socdaaley sanadka markii uu ahaa 2011-kii, Aamina indhaheeda waxaa soo buuxinaya ilin.
Maalin Axad ah bishii Janaayo, 2011-kii ayaa ugu war-dambeysay xilli goobaha waxbarashada ay furnaayeen maalinta xigtana uu u gudbi lahaa fasalka 8aad ee dugsiga hoose.
"Fiidkii, ma uusan soo laaban, marka aniga waxaan bilaabay in aan ka raadiyo xaafadda Majengo ee Nairobi, halkaasoo uu ku noolaa. Halkaas buu ku sugnaa. Nasiibka ma uusan I saacidin iyaddoo aan todobaadkii oo dhan aan halkaas tegay. Kadib waxaan ku wargeliyey booliska, qof walba oo aan aqoon u lahaa ayaan wacay, balse dedaalkeyga ma aysan mirodhalin," ayay ku sheegtay wareysi dareen leh oo ay siisey wargeyska The Standard.
Dulqaadka wuu ka idlaadey. Shuruucteeda waa sidii walxo burburay xili dunida oo dhan ay u noqotay mid loosoo duuduubay.
Dhamaan arrimahaas oo idil waxay u yimaadeen markii curudkeeda 17-jirka ah, Cali Saliim isana la waayey.
"Cali waxaa la ogaadey in walaalkiisa uu u kaxeeyay meel dadku yaqaanaan oo Soomaaliya ka tirsan. Annaga aad baan uga naxnay warkaas, wiilkeyga wuxuu balanqaadey in uu raadin doono ciddii mas'uulka ka ahayd," ayay raacisay, iyaddoo ilmeyneysa.
Hooyo Aamina ayaa qirtay in wiilkeeda uu kamid ahaa koox kale oo kasoo jeeda Majengo, kuwaasoo la duufsadey si loogu adeegsado Soomaaliya, halkaasoo Al-Shabaab dhalinta u istimaasho in ay is-qarxiyaan.
Tirrooyin naadir ah
Xilli ay sheegtay in imaatinkiisa guriga uu ahaa mid dhif iyo naadir ah, hooyo Aamina ayaa codsatay in loosoo badbaadiyo.
"Hooyo, fadlan raadso laba boqol oo Doolar, dibna iigu soo laabo si aad halkaan igula quudato," ayay tiri iyaddoo fariin u direysa caruurteeda.
Safar ay dooneysay in ay ku aado Soomaaliya si ay ugu yaraan akhbaar uga soo hesho xaaladda wiilasheeda ayaa kaga baaqdey dhaqaalo la'aan awgeed. Balse, daqiiqado kadib waxaa soo wacay qof aysan aqoon.
Ruuxaas wuxuu ku yiri "Hooyo waxaan u soconaa in aan soo aargoosano. Ma qaadan karaan cunugaaga, mana dili karaa isaga".
"Waxaan u ooyey cunugeyda. Aad buu u yaraa, wuxuuna lahaa mustaqbal ifaya. Waan waayey isaga," ayay daaha ka rogtay.
Sanadkii 2012-kii waxay weysay cunugeedii ugu horeeyay. Aamina waxay sheegtay in ay ka wateen dad aysan aqoonsan wali.
"Waxaan iga qaatay dadka la xagjireeyay. Saddex maalmood oo aan raadinayey maalintii afaraad waxaan wargeliyey booliska. Isla markiiba waxaa la ii sheegay in uusan nooleyn. Aad baan u naxay," ayay xustay.
Meydkiisa waxaa la lasoo wariyey in laga helay qubuuro. Jirkiisana waxaa ka muuqdey dhaawacyo kasoo gaarey toogasho.
"Wiilkeyga geeridiisa waxaa saameysay dhimashadda walaalkii, waxaana uu noqdey mid diimeed. Hooyo ahaan, waan u duceynayaa. Mase garanaayo natiijada sababtay geeridiisa," ayay ka shanqarisay.
Walaaca haatan waa saddex caruur kale ee u baaqiga u ah, kuwaasoo ka naxay dhimashada walaalahooda ka weyn. Dedaal badan ayaana lagu bixinayaa sidii ay u badqabi lahaayeen.
Sidda ku xusan warbixin, in ka badan 30 hooyo oo ku nool degaanka ayaa wiilashooda ku waayey gacanta maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacidda.
GAROWE ONLINE