"Xasiloonida Soomaaliya waxay muhiim u tahay amniga Geeska Afrika"

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Jabuuti waxay dooneysaa in ay xasiliso Soomaaliya maadaama xaalada wadanka ay saameyn ku leedahay ammaanka Geeska Afrika, sidda uu sheegay erygay dalkaas u qaabilsan Sacuudi Carabiya.

Ziauddin Saeed Bamakhrama oo u waramay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa xusay in dowladiisu ka go'an tahay sidii ay dib ugu soo celin lahayd doorkii ay Soomaaliya ku lahayd masraxa siyaasadeed ee mandiqadda.

"Yagleelida xasiloonida si lamid ah ammaanka Soomaaliya iyo xadiditaanka qulqulka qaxootiga waxay muhiim u tahay Geeska Afrika maadaama gobolka uu juquraafi ahaan, dhaqan ahaan, dad ahaan iyo dhaqaale ahaan uu isku xiran yahay," ayuu danjiraha ka dhawaajiyey Arbacada maanta ah.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa ah halista ugu weyn ee xasiloonida Soomaaliya. Jabuuti waxay kamid tahay dalalka ciidanka ku taageeray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaas oo dagaalka ba'an kula jira maleeyshiyaadkaas.

Jabuuti ayaa bishii lasoo dhaafay ee June martigelisay shir dib loogu bilaabay wadahadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kaas oo natiijo horudhac ah oo kaas baxday lagu balamay is-aragyo kale.

Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul ka tirsan Muqdisho.

Kadib burburkii 1991-dii, Jabuuti ayaa ku lug lahayd dhamaan geedi u socodkii dowlad dhisida Soomaaliya, iyaddoo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu hormuud ahaa "maadaama uu fahmayo xudunta is-mari-waaga raagay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM