Xeelada cusub ee Al-Shabaab u adeegsato qorashada dhalinta Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Al-Shabaab ayaa naqshadeysay qaab cusub oo ay ku duufsato dhalinyaradda Kenya, sidda ay warisay saxaafadda gudaha.

Quudinta dhalinta-niyad-jabtay ee shaqo la'aanta la degtay, shaqaaleysiintooda iyo maalgelinta tababaro kubadda cagta oo been abuur ah ayaa lagu qeexay xeeladda cusub.

Wargeyska Daily Nation ayaa diiwaan-geliyey kiisas isku mid ah oo la xiriira qaababkaas oo lagu marin-habaabiyey dhalinyarro badan.

Da'yarta ayaa la sheegay in badankooda ay rajeynayeen in ay ku biiraan kooxda si ay uga baxaan dhibaatada faqriga iyo shaqo la'aanta.

Qoorkood oo hadlay iyagoo magacyadooda ka gaabsaday ayaa tilmaamay in la geeyay meel kamid ah Soomaaliya, halkaasina lagu siiyey tababaro kahor inta aysan soo baxsan.

Waalidiinta oo walaac ka muujiyey tiradda sii kordheysa ee caruurtooda ku biireysa kooxdaas ayaa dalbadey in xaaladan lala tacaalo.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay ee sanadkan 2020, Al-Shabaab ayaa 16 weerar ka fulisay Kenya, waxayna dishay 20 ruux oo aan waxba galabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM