Xiisad xoogan oo ka taagan sohdinta dalalka Itoobiya iyo Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Xiisad ayaa laga soo sheegayaa magaalada Mooyaale markii dabley Itoobiyaan ah, oo ka careysan xiritaanka Kenya ee xadka si ay u xakameyso Covid-19, ay weerareen qandaraasleyaal maxali ah.

Qandaraasleyaasha, oo shaqo bilaabay Isniintii, waxaa qortay ismaamul goboleedka si ay halkaas uga qodaan calaamado lagu joojinayo bixitaanka iyo gelitaanka Kenya, sidda ay qortay saxaafada gudaha.

Wargeyska Daily Nation ayaa baahiyey in dableyda Itoobiyaanka ay rasaas ku fureen shaqaalaha xili ay cagaf-cagaf ku qodayeen godadka, aroornimadii Arbacada, taas oo sababtay burbur soo gaarey gaariga.

Illo wareedyo ayaa sheegaya in dableyda oo wateen darees milatari ay is-rasaaseyn kooban la galeen Ciidamada Difaaca Kenya [KDF].

Mas'uuliyiinta Kenya ee xuduudka oo xaqiijiyey dhacdada ayaa daboolka ka qaadey in ay baarayaan cidda ay ahaayeen kooxaha hubeysan.

"Ciidamadda KDF-ta waxay meesha u tageen si ay ula tacaalaan xiisadda, waxaana u sheegnay in ay is-dejiyaan," sidaas waxaa yiri Evans Achoki oo ah taliyaha booliska is-maamul goboleedka Marsabit ee Kenya.

Sidda ay warisay war-fidiyeenka Kenya, ganacsatada Itoobiya ayaanan ku faraxsaneyn talaabada ay Nairobi ku xireyso sohdinta.

Maleeyshiyaadka dhanka Itoobiya ayaa lagu waramay in ay wacad ku mareen in ay ka shaqeyn doonan siddii xuduudka u sii furnaan lahaa.

Bishii lasoo dhaafay ee Maaj ayay ahayd markii dhacdooyin noocaan ah laga soo wariyey xuduudka wadamada deriska ah, wallow shaqaaqooyinkaas ay salka ku haysa aanooyin dil iyo is-qabqabsi daaqsin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM