Xiisad xooggan oo ka dhex qaraxday DRC iyo Rwanda

Image
Muranka u dhexeeya Kigali iyo Kinshasa waxa uu salka ku hayaa eedayn culus oo ka timid Congo.

KIGALI, Rwanda – Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Rwanda ayaa midba midka kale ku eedeeyay in ay gantaallo ku soo tuurtay xuduudka ay wadaagaan, oo uu ku jiro weerar ay ku dhinteen laba carruur ah oo Kongo ah, afhayeen u hadlay ciidammada Congo ayaa sidaas sheegay.

Weeraradii gantaalada ahaa ee lagu eedeyay in ay ka gudbeen xuduuda Jimcihii ayaa qeyb ka ah muranka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya wadamada dariska ah ee Afrikada dhexe, waxaana lala xiriirinayaa duulaanka cusub ee jabhada M23 oo Congo ay ku eedeysay Rwanda in ay taageerto.

"Waxaan duubnay laba caruur ah oo la dilay midna si xun u dhaawacmay iyo sidoo kale iskuul si weyn u burburay," afhayeenka ciidamada Congo Guillaume Ndjike Kaiko ayaa yiri Jimcihii.

Dhacdadan ayaa dhacday iyadoo ciidamada Congo ay kula dagaalameen fallaagada M23 dhul buuraley ah oo ku dhow xadka Rwanda iyo Uganda, markii shan gantaal oo laga soo tuuray Rwanda ay ku dhaceen dhulka Congo, ayuu yiri afhayeenku.

Mas'uuliyiinta Rwanda isla markiiba kama aysan jawaabin codsi faallo ah wakaaladda wararka ee Reuters si madax bannaan uma xaqiijin karto weerarka gantaallada ah ee la sheegay.

Wasaaradda Difaaca ee Rwanda ayaa sidoo kale ku eedeysay ciidamada Congo in ay laba gantaal oo caliber 122mm ah ku soo rideen Rwanda deegaanka Bunagana, halkaasoo ciidamada Congo ay kula dagaallamayeen fallaagada M23.

"Ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay, laakiin dadka deegaanka ayaa argagaxsan," ayay wasaaradda gaashaandhigga ku sheegtay hadal ay soo saartay.

Kaiko ayaa beeniyay in ciidamada Congo ay aagga u adeegsadeen gantaallo noocaas ah.

Arbacadii, saraakiisha millatariga Kongo waxay Rwanda ku eedeeyeen inay dalkeeda geysay boqollaal ciidamo gaar ah, halka Kigali ku eedaysay ciidammada Congo inay duqeeyeen dhulka Rwanda 19-kii March iyo 23-kii May, oo sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

"Rwanda waxa ay badashay dareeska askarteeda si ay u qariso joogitaankeeda dhulka Kongo iyaga oo garabsanaya argagixisada M23," afhayeenka ciidamada Congo ee bariga gobolka Kivu, General Sylvain Ekenge, ayaa yidhi.

Muranka u dhexeeya Kigali iyo Kinshasa waxa uu salka ku hayaa eedaynta Congo ee ah in Rwanda ay si firfircoon u taageerto M23, kuwaas oo weerradooda joogtada ah ka waday xudduudaha bari ee Congo tan iyo markii ay qabsadeen dhul ballaadhan 2012-2013.

Rwanda way beenisay taas, waxayna ku eedaysay Congo inay ka barbar dagaalamayso FDLR, oo ah koox hubaysan oo ay maamulaan qawmiyadda Hutu ee ka soo qaxay Rwanda ka dib markii ay ka qayb qaateen xasuuqii 1994-kii.

Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii sheegtay in fallaagada M23 ay ku dhaawaceen saddex ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan gobolka Waqooyiga Kivu ee DRC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM