Xiisad xooggan oo ka dhex qaraxday DRC iyo Rwanda

Image
Muranka u dhexeeya Kigali iyo Kinshasa waxa uu salka ku hayaa eedayn culus oo ka timid Congo.

KIGALI, Rwanda – Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Rwanda ayaa midba midka kale ku eedeeyay in ay gantaallo ku soo tuurtay xuduudka ay wadaagaan, oo uu ku jiro weerar ay ku dhinteen laba carruur ah oo Kongo ah, afhayeen u hadlay ciidammada Congo ayaa sidaas sheegay.

Weeraradii gantaalada ahaa ee lagu eedeyay in ay ka gudbeen xuduuda Jimcihii ayaa qeyb ka ah muranka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya wadamada dariska ah ee Afrikada dhexe, waxaana lala xiriirinayaa duulaanka cusub ee jabhada M23 oo Congo ay ku eedeysay Rwanda in ay taageerto.

"Waxaan duubnay laba caruur ah oo la dilay midna si xun u dhaawacmay iyo sidoo kale iskuul si weyn u burburay," afhayeenka ciidamada Congo Guillaume Ndjike Kaiko ayaa yiri Jimcihii.

Dhacdadan ayaa dhacday iyadoo ciidamada Congo ay kula dagaalameen fallaagada M23 dhul buuraley ah oo ku dhow xadka Rwanda iyo Uganda, markii shan gantaal oo laga soo tuuray Rwanda ay ku dhaceen dhulka Congo, ayuu yiri afhayeenku.

Mas'uuliyiinta Rwanda isla markiiba kama aysan jawaabin codsi faallo ah wakaaladda wararka ee Reuters si madax bannaan uma xaqiijin karto weerarka gantaallada ah ee la sheegay.

Wasaaradda Difaaca ee Rwanda ayaa sidoo kale ku eedeysay ciidamada Congo in ay laba gantaal oo caliber 122mm ah ku soo rideen Rwanda deegaanka Bunagana, halkaasoo ciidamada Congo ay kula dagaallamayeen fallaagada M23.

"Ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay, laakiin dadka deegaanka ayaa argagaxsan," ayay wasaaradda gaashaandhigga ku sheegtay hadal ay soo saartay.

Kaiko ayaa beeniyay in ciidamada Congo ay aagga u adeegsadeen gantaallo noocaas ah.

Arbacadii, saraakiisha millatariga Kongo waxay Rwanda ku eedeeyeen inay dalkeeda geysay boqollaal ciidamo gaar ah, halka Kigali ku eedaysay ciidammada Congo inay duqeeyeen dhulka Rwanda 19-kii March iyo 23-kii May, oo sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

"Rwanda waxa ay badashay dareeska askarteeda si ay u qariso joogitaankeeda dhulka Kongo iyaga oo garabsanaya argagixisada M23," afhayeenka ciidamada Congo ee bariga gobolka Kivu, General Sylvain Ekenge, ayaa yidhi.

Muranka u dhexeeya Kigali iyo Kinshasa waxa uu salka ku hayaa eedaynta Congo ee ah in Rwanda ay si firfircoon u taageerto M23, kuwaas oo weerradooda joogtada ah ka waday xudduudaha bari ee Congo tan iyo markii ay qabsadeen dhul ballaadhan 2012-2013.

Rwanda way beenisay taas, waxayna ku eedaysay Congo inay ka barbar dagaalamayso FDLR, oo ah koox hubaysan oo ay maamulaan qawmiyadda Hutu ee ka soo qaxay Rwanda ka dib markii ay ka qayb qaateen xasuuqii 1994-kii.

Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii sheegtay in fallaagada M23 ay ku dhaawaceen saddex ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan gobolka Waqooyiga Kivu ee DRC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM