Xildhibaan "aan raq iyo ruux midna lagu haynin" oo la baadigoobayo

Image

TRIPOLI, Libya – Baaq caalami ah ayaa soo baxaya xili muddo afar bilood ah aanan nolol iyo geeri lagu ogeyn Xildhibaan lagu afduubtay dalka Libya.

Siham Sergiwa, oo sidoo kale u dhaqdhaqaaqda arrimaha haweenka, ayaa waxaa la waayey 17-ka bishii July ee sanadka 2019-ka.

Magaaladda Benghazi oo laga qafaashay ayaa waxaa ku xoogan ciidamadda daacadda u ah Jeneraalka awooda badan ee Khaliif Xaftaar.

Afduubkeeda ayaa wuxuu yimid markii ay wareysi siisay Tv-ga taageera xoogaga Xaftaar, kaasi oo xaalado xasaasi ah ay kaga hadashay.

Illaa iyo haatan ma cadda cidda ka dambeysay afduubkeeda, balse qoyskeeda waxay sheegeen in 56-sano jirta ay dabley ku wareerareen hoygeeda.

Midowga Yurub oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa codsaday in si degdeg xorriyadeeda loogu soo celiyo haweenayda.

"Wadamada EU-da waxaa ka go'an in ay cadaaladda marsiiyaan cid kasta oo ku lug yeelata arrintaan," ayaa lagu yiri qoraalka.

Qaramadda Midoobay oo dalabka sii deynta xoojisay ayaa waxay sheegtay baaritaano degdeg ah oo lagu sameeyo afduubka.

Saraakiisha ammaanka oo sheegay in aysan ahayn "hadii ay nooshay ama in la dilay" ayaa tibaaxay in ay baadigoobayaan.

Libya, oo tobanaan sano dagaalo iyo xasarado colaadeed ay ka oogan yihiin, ayaa waxaa isku haya dowlado kuwaas oo daneynaya kheyraadka waddankaas.

GAROWE ONLIINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM