Xildhibaan dacwad loogu soo oogay in uu ka careysiiyay madaxweyne

Image

KAMPALA, Uganda – Xildhibaan ahnna heesaa ayaa waxaa dacwad loogu soo oogay in uu ku talo galay in uu ka careysiiyo, ka nixiyo ama uu ku jees-jeeso madaxweynaha waddanka Yugandha.

Bobi Wine, mudane da'yar kaasi oo aad mucaarad ugu ah xukuumadda madaxweyne Yoweri Museveni ayaa waxaa hore loogu soo eedeeyay "in uu ku kacay" khiyaano qaran.

Dhacdada la sheegay in ay sababtay in lasoo xiro ayaa ahayd in sharcidejiyaha iyo saaxiibadii ay dhagaxeyeeen kolanyo gaadiid oo madaxtooyadda lahayd, intii lagu guda jiray ol'olalihii doorashadii 2018.

Hadii dambiyaddan aadka u cul-culus ee lagu soo eedeeyay ay ku cadaadan, Wine ayaa wuxuu ku muteysan karaa xabsi daa'in.

Warar soo baxayay waxay sheegayaan in Wine iyo qaar badan oo saaxiibadii kamid ah xabsiga gudahiisa "loogu geystaan jirdil aad u daran" inkasta oo eedeymahaasi ay beeniyeen mas’uuliyiinta.

Wine, oo magaciisa saxda ah uu yahay Robert Kyagulanyi, ayay dacwado kale uga furan yihiin maxkamad, taasi oo ah in uu abaabulay banaanbax ka dhan ah sharci canshuur kusoo rogay internet-ka telefoonada.

Fanaanka raabka ku caan-baxay ee Xildhibaanka noqday, kaasi oo mucaarad ku ah xukunka Yoweri Museveni ee 30-jirka ah, ayaa dhowaan ku dhawaaqay in uu murashax u yahay coddeynta sanadka 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM